Imam magaaladda Minneapolis ee Dalka Maraykanka lagu weeraray, toorina lala dhacay

MINNEAPOLIS (OWN)- Sheikh Cumar Cabdiraxman oo ah imamka masaajidka Khalid Binu Walid ayaa waxyar ka hor lagu tooriyeeyay xafiiska Masaajidka. Sheekh Cumar oo masaajidka u yimid in uu carruur u dhigo Dugsiga Quraanka ee wakhtiga xagaaga ee Iskuulladu xiran yihiin ardayda loo dhigo ayaa xafiiska lagu weeraray.

Maamulka masaajidka ayaa warbahinta u sheegay in nin Soomaali ah oo kamid ah dadka Soomaalida ah ee xanuunka dhimirka bukaan socodka la ah in uu sheekha weeraray. Ninkan sheekha weeraray iyo sheekha wax dhexmaray ama ka dhaxeeyay ma jirin. Ninkan ayaa kamid ah dadka xanuunka dhimirka (mental ilness)-ka bukaan socodka la ah ee suuqa Karmel Mall joog jooga.

Imam Sheekh Cumar ayaa hadda yaala Isbitaalka Hennepin isaga oo uu soo gaaray dhaawacyadda ka muuqda video-Han muuqaalka ah. Dhaawaca sheekha soo gaaray ayaa weli la tollayaa, laga daweynayaa oo weli laga dabiiyayaa.

Fadlan Imam Sheekh Cumar u soo duceeya in uu ilaahay caafiyo. Aamiin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker