Maamulka Kisumu oo uu kasoo jeedo Raila oo u jawaabay Mareykanka

Barasaabka maamul goboleedka Kisumu ee dalka Kenya, ayaa ka jawaabay digniin la xiriirta socdaalka, oo ay safaaradda Mareykanka qeybteeda maamulkaasi ay soo saartey, taasi oo ku boorineysay muwaadiniintooda inay feejignaadaan, ka hor inta aanu soo bixin go’aanka Maxkamadda Sare ee dacwadda natiijada doorashada madaxweynenimada.

Sida uu sheegay madaxa shaqaalaha ee maamulkaasi, muwaadiniinta Mareykanka iyo shaqaalahoodaba, ma jiraan wax ay ka welwelaan, maadaama magaalada Kisumu ay kunool yihiin bulsho nabadeed oo jinsiyado kala duwan leh.

“Waxaan rabnaa, anigoo ku hadlaya magaca dadka Kisumu, inaan soo gudbiyo bayaankii uu soo saaray guddoomiyaheenna, Prof. Peter Anyang’ Nyong’o.

Bayaankan oo soo baxay dhowr toddobaad ka hor, ee ahaa inaan nahay bulsho nabadeed oo jinsiyado kala duwan iyo qowmiyado kala duwan leh.

Waxaa sidoo kale lagu xusay bayaanka si qoto dheer in midba midka kale u ilaaliyo waa qowmiyadahee, xuquuqda uu leeyahay iyo daryeelkana dhawro, oo ay ku jiraan walaalaheenna Mareykanka,” ayaa lagu yiri bayaanka uu soo saaray 2-dii bishan Sebtembar barasaabka Kisumu, ee sanadkan 2022-ka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Kisumu, gaar ahaan dhalinyarada wuxuu kula dardaarmay guddoomiyaha inay nabadda dhawraan.

Safaaradda Mareykanka, ayaa ku soo rogtay xayiraad dhaq-dhaqaaqa ah shaqaalaheeda, iyadoo sabab uga dhigaysa rabshado ka dhici kara maamulkani, ka dib marka lagu dhawaaqo go’aanka Maxkamadda Sare.

Maxkamadda Sare, ayaa lagu wadaa inay go’aan ka gaarto dacwadda ka dhanka ah natiijada madaxweynaha la doortay ee, William Ruto, inuu guuleystay iyo in kale, maalinta Isniinta 5-ta bishan Sebtembar, oo ku beegan maalinta bari ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker