Maraykanka Oo Laga Cabsi Qabo Inay Rabshado Ka dhacaan Kahor Caleemo Saarka Biden

Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada ah in dibadbaxyo rabshado wato ay ka dhacaan guud ahaan gobollada dalkaas ka hor caleemo saarka Arbacada madaxweynaha la doortay Joe Biden.

Ciidamada ayaa loo daabulay magaalada Washington DC si ay uga hortagaan qalalaase ka dhaca halkaas.

Ha’yadda dambi baadhista ee Mareykanka FBI-da ayaa ka digtay suurtagalanimada ah in kooxo hubeysan oo taabacsan Trump ay dibadbaxyo ka dhigaan guud ahaan gobollada Mareykanka.

Dhinaca kale, kooxda Joe Biden ayaa soo bandhigtay faahfaahinta amarro xidhiidh ah oo madaxweynaha la doortay ee Mareykanka uu si toos ah u saxiixi doono ka dib caleemo saarkiisa Arbacada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker