Raysal-wasaaraha Britain Theresa May Oo Kenya Timi+ Ciidamada Nabad-ilaalinta Soomaaliya Oo Ay Lacag Ugu Deeqday

Kadib safar maanta oo khamiis ah ay dalka Kenya ku timid Raisul wasaaraha Britain Theresa May ayaa waxa ay kaga dhawaaqday in Britain ay kordhinayso taageerada ay siiso ciidamada Midowga Afrika ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

Mr May oo arrintaas ka hadlaysayna waxay tiri: ” UK waxay sii wadi doontaa ka go’naanshaha iyo taageerada ay siiso geesiyaasha reer Kenya ee Soomaaliya kula dagaallamaya Alshabaaab”.

Haddaba maxuu ka dhigan yahay dhaqaalahan cusub ee Theresa May ay u ballanqaadday ciidamada Midowga Africa ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya? Dr Ibraahin Faarax Bursaliid oo ka faalooda arrimaha gobolka ayaa qaba ” in kaalmadaan cusub aanay waxba soo kordhinayn balse ay qayb ka qaadan karto gaboodfallada ay ciidamada AMISOM ka gaystaan gudaha dalka Soomaaliya”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker