Hay’adda sirdoonka Puntland PISA oo qaraxyo kusoo bandhigtay magaalada Bosaso

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Puntland, (PISA) ayaa sheegtay inay fashilisay Qaraxyo la doonaayey in lagu dhibaateeyo Shacabka magaalada Bosaso iyo hantidooda,

Qoraal kasoo baxay hay’adda PISA, ayaa lagu sheegay in hay’addu ay qaraxyadan fashilisay daqiiqado ka hor inta aysan kooxda soo abaabushay fulinin qaraxyadan.

Sida ka muuqatay sawirro lagasoo qaaday, waa dhowr miino oo ah kuwa dhulka lagu qariyo. Hay’adda PISA ma aysan sheegin goobaha bartilmaameedka u ahaa qaraxyadan.

Waxay kusoo beegmeen qaraxyadan, iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay la bartilmaameedsanayay xarumaha ganacsiga ee magaalada Bosaso, waxaana muddo sanad gudaheed ah la gubay dhowr shirkadood.

Maalmo hor, qarax ayaa lagu weeraray xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Golis ee magaalada Bosaso. Hay’adaha amniga ayaa sheegay inay falalkan u dhacayaan si lacago baad ah looga qaado shirkadaha ganacsiga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker