Dagaalka Tukaraq iyo xaska tuugada

Xamar waxaa ku badnaan jirey tuugada dadka jeeb siibta iyo kuwo toorray kula gabbada meelaha jiirooyinka iyo booc-booca ah oo dadka ku baarta.

Habeenimo ayuu isaga oo tuugo ka baqaya meel booc-booc ah oo labo xaafadood u dhaxaysa isaga tillabayey. Markiiba waxaa ku soo baxay nin isna meesha maraya oo show isaguna tuugo ka baqaya.

Markii ay indhaha isku dhufteen midba kii kale ayuu u qaatay tuuggii toorrayda ku dhufan lahaa ama ugu yaraan dhici lahaa. Isaga oo u hinqaday inuu cararo ayaa kii kale orod isdhigay. Kolkaas ayuu isaga oo yaaban aayartiisa socday, inj kastoo uu wali tuuggii saxda ahaa u tooghayey.

Beryihii dambe ee hubka la helayna waxaa soo kordhay in labo nin oo hubaysan oo mid walba baqayo ay isdilaan iyadoo mid kasta isleeyahay inta aanu xabbadda kugu dhufan adigu kala hormar.

Haddana sida muuqata labada maamul ee P/land iyo S/land, iyo dadweynaha soomaaliyeed ee ku kala nool labadaas deegaan waligood kama aanay wadahadal waar horta maxaynu isku haynaa?, in hadal caraatan iyo eedayn ah hawada la isu mariyo mooyee.

Qolo walba iyada oo aan qolada kale ka afqaadin ayay gaar u garnaqsataa, ka dibna garta 100% isa siisaa, qolada kalena ku xukuntaa inay 100% gardaran tahay. Kolkaas ayaa qolo walba ku hawlgashaa wixii uga soo baxay garnaqsigaas gooni goonida ah.

Haddaba su’aasha meesha ku jirta waxaa weeye soo gar maaha horta in labada dhinac iswaraystaan?. Soo ma dhici karto in qolo kasta garwaaqsato oo ay isu garaabaan?, mushkiladuna ay intaas ku dhammaato?.

Mise waxaa idin la quman in labo miskiin oo baqaya midba kan kale tuug u maleeyo oo ay labo xabbadood isdhaafsadaan, ayna labaduba halkaas ku naf waayaan?.

 

 

Sh. Axmed Cabdisamad

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker