Kooxda Manchester United oo Isu Diyaarinaysa Ciyaarteedii ugu Horraysay

Manchester United ayaa isku diyaarinaysa ciyaarteeda ugu horreysa ee horyaalka Premier League oo ay garoonka Old Trafford kusoo dhoweyn doonto Sabtida toddobaadka soo socda, taas oo noqon doonta mid ay jamaahiirtu ku arki doonaan wajiyo cusub iyo isbeddel ay uga baahan yihiin qiimayn.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa waxa uu kulankan kusoo bilaabi doonaa saxeexa kaliya ee uu sameeyey xagaagan ee Donny van de Beek oo £35 milyan oo Gini ay kagala soo wareegeen kooxda reer Netherlands ee Ajax, waxaanu kasoo garab muuqan doonaa Bruno Fernandes oo dhawr bilood uga soo horreeyey Old Trafford.

Van de Beek ayaa  ciyaaray kulankii saaxiibtinimo ee Aston Villa ay ku garaacday 1-0 Man United, waxaanu la yimid bandhig wanaagsan oo uu tababare Solskjaer ku tilmaamay inay muujinayso tilmaan fiican.

 

 

Steve McClaren oo tababare usoo noqday xulka qaranka England, sidoo kalena tababare ku-xigeen u noqday Sir Alex Ferguson xilligii uu joogay Man United, ayaa ka hadlay waxa laga filan karayo Van de Beek, waxaanu yidhi: “Van de Beek dhab ahaantii waa sidii Frank Lampard oo kale qaab-ciyaareedka; wuxuu dhex galaa xerada ganaaxa, wuxuu dhaliyaa goolal, waxaanu sameeyaa caawin, rikoodhkiisa gool-dhalintuna waxa uu ka mid yahay saddexda ugu wanaagsan. Waa ciyaartoy heersare ah. Waxa uu xoogaa la mid yahay Fernandes.”

 

 

McClaren waxa uu sheegay in cabsida kaliya ee haysa ay tahay Pogba, waxaanu yidhi: “Qofka kaliya ee aan u baqayo, walina ay dooddu ka taagan tahay waa Paul Pogba. Sababtoo ah, Van de Beek waa kubbad-maamule iyo dhex dambeba, waxa uu ka ciyaari karayaa siddeed ama toban, waqtiganna Pogba ayaa ‘No.8’ ka ciyaara iyo Fernandes oo ‘No.10’ ka ciyaara.”

Si kastaba, wargeyska TalkSports ayaa waxa uu saadaaliyey shaxda Manchester United ay kala hor-tegi doonto Crystal Palace, waxaana kaydka ku jira Paul Pogba oo aan kasoo garab muuqan doonin Fernandes iyo Van de Beek, waxaana tababare Solskjaer uu ciyaarsiin doonaa McTominay oo dhexda dambe noqon doona.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker