Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Ee Gobolka Sool Oo Lagu Dilay Magaalada Laascaanood

Badhasaabka Gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in caawa Abaaro Sagaalkii fiidnimo lagu dilay magaalada Laascaanood Guddoomiyihii Komishanka doorashooyinka ee Gobolka Sool  Cabdilaahi Laba-go’le.

 

Badhasaabka Sool Wuxuu Warbaahinta Qaranka u sheegay inay Socoto baadhis iyo hawlgal ballaadhan oo lagu doonayo in lagu soo qabto ciddii dishay marxuum Cabdilaahi Laba-go’le.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in marka baadhista laga gun gaadho Saxaafadda iyo bulshadaba loo soo bandhi doono.

 

Sidoo kale wuxuu Guddoomiyuhu tacsi u diray qoyskii,qaraabadii iyo shacbiga gobolka Sool ee marxuumku ka baxay.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker