Hay,adda Lacagta Adduunka ee IMF Oo Xaqiijisay In Somalia Loogu Deeqay Lacag Gaadhaysa $334 Milyan Oo Qayb ka ah Deyn-Cafinta.

Dalal ka Bdan boqol Wadan oo Xubno ka ah Heyadda lacagta Dunida ee IMF ayaa ballan qaaday inay Bixinayaan $334 milyan oo qeyb ka ah Deynta laga qafiinayo Soomaaliya.

 

Sida ay Shalay  sheegtay   Hay,adda Lacagta Adduunka ee Magaceeda Loo soo Gaabiyo (IMF) Ballan qaadkan ayaa u Ogolaanaya Soomaaliya inay hesho lacag cusub oo dalka lagu caawinayo.

Soomaaliya oo lagu leeyahay Deyn gaadhaysa $5.3 bilyan, ayaa  deynta lagaga Khafiifinayaa barnaamij gaar ah oo lagu kaalmeeyo dalalka ugu saboolsan dunida.

 

Maal-gelinta maanta loo ballan qaaday, ayaa Soomaaliya u sii dhoweyneysa inay hesho ansixinta kama dambeysta ah, taasoo si weyn u yareyn doonta deynta guud ee lagu leeyahay, una ogolaaneysa inay hesho kheyraad cusub sida ay bayaan ay soo saartay ku sheegtay agaasimaha maamulka IMF, Cristalina Georgieva.

 

“Tani waxay si cad u muujineysa in xubnaha IMF ay garowsan yihiin ballan-qaadyada xooggan ee joogtada ah ee Soomaaliya ay ku sameyneyso is-beddelo maaliaydeed, inkasta oo ay jiraan caqabado badan,” ayey tidhi’

 

Guddiyada fulinta IMF iyo Baanka Adduunka ayaa Horaantii bishan Ansixiyey in Soomaaliya ay u qalanto in deynta Lagaga cafiyo barnaamijka HIPC ee dalalka ay saaran tahay deyn ka tan weyni.

 

Si ay ugu Guuleysato Ansixinta rasmiga ah, Soomaaliya waa inay sii waddaa inay muujiso hanaan maaliyadeed lagu qanci karo, taasoo qeyb ka ah barnaamijka IMF ay dusha kala socoto.

 

Go’aanka kama dambeysta ah ee Soomaaliya ayaa la filayaa in IMF ay gaarto bisha March ee sanadkan dabayaaqadeeda, taasoo noqon doonto Guul weyn oo Somalia u soo hoyatay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker