Muuqaal dowladda Ruushka “ay ku cabsi gelineyso shacabkeeda”

Xilli maalmihii lasoo dhafay dalka Ruushka ay ka dhacayeen dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda kadib xariga hogaamiyaha mucaaradka ee dalkaas, Aleix Navalny ayaa waxaa soo shaac baxay muuqaal la sheegay inay soo dusiyeen qaar kamid ah ciidamada booliska, kaas oo muujinaya dhibaato loo geysanayo qof kamid ah dadka wax ku qora bogagga intarnetka.

Ninka muuqaalka kasoo muuqday oo lagu magacaabo Gennady Shulga oo ku nool magaalada Vladivostok ayay booliska ugu dhaceen gurigaas, waxayna u xireen garba duub ama xabadxabad. Muuqaalka lasoo dusiyay ayaa muujinaya qof boolis ah oo su’aalo weydiinaya Gennady, sidookalena madaxiisa ku foorarinaya weelal ay ku jiraan raashinka la siiyo eyda.

Booliska Ruushka ayaa sidookale bartilmaameedsaday dadka soo bandhiga tacadiyadda la sheegay in booliska ay geystaan. BBC-da oo la kullantay ninka muqaalka laga duubay ayaa waxaa uu sheegay in ujeedada muuqaalka loo soo dusiyay ay tahay sidii “loogu cabsi gelin lahaa dadka kale ee bannaanaaxay ee ku nool dalka Ruushka”.

“Guriga ayay iigu soo galeen, luqunta ayay i qabteen oo dhulka ayay igu riixen, ujeeda ugu weyn ee muuqaalka loo soo dusiyayna waa in lagu cabsi geliya dadka”, ayuu yiri Gennady Shulga.

Shulga oo sidookale ah weriye ayaa si toos ah u tebinayay dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda ee ka dhacayay magaalooyinka waaweyn ee dalkaas. Xaaskiisa ayaa sidookale la joogtay markii ay booliska usoo dhacayeen gurigooda, waxaana Shulga uu sheegay in ujeedadu ay tahay sidii isaga iyo xaaskiisa loo saari lahaa cadaadis, loona cabsi gelin lahaa.

“Falkan la igu sameeyay ma ahan mid sharciga waafaqsan oo anniga ma ihi dembiile”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Ruushka oo wax laga weydiiyay arrinkan ayaa ka gaabsatay.

Magaalooyinka waaweyn ee dalka Ruushka waxaa ka dhacayay dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Vladmir Putin, kadib markii la xukumay Alexei Navalny oo laf-dhuungashay ku noqday Madaxweyne Putin.

Mr Navalny oo mar la sumeeyay ayaa lagu soo daweeyay dalka Jarmalka, waxaana la xiray markii uu kasoo laabtay dibadda.

Dowladda Ruushka ayaa midowga Yurub uga digtay inay soo farageliso arrimaha gudaha ee dalkeed, maadaama ay ku eedeeyeen in aany ixtiraam u heynin madaxbanaanida dalka Ruushka.

Xiriirka dalalka reer galbeedka iyo Ruushka ayaa la aaminsan yahay in uusan wanaagsaneyn, maadaama ay isku hayaan arrimo badan oo ka taagan dalalka Carabta iyo dalka Ukraine.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker