Amiirka Dhaxal Sugaha Sucuudiga Oo Sheegay In Wariyihii Ladilay Ee Jamal Khaashuqji Uu Ahaa Islaami Halis Ah.

Amiirka dhaxalsuga ah ee waddanka Sucuudi Carabiya, Maxamed bin Salmaan, ayaa waxa uu Mareykanka u sheegay in qoraaga la dilay Jamaal Khaashuqji uu u arkayay inuu ahaa Islaami halis ah, warbaahinta ayaa ku warramaysa.

Khaashuqji

Amiir Maxamed ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu arrintaasi taleefoonka ugu sheegay Aqalka Cad kaddib markii Khaashuqji la waayay taas oo ka horraysay inta uusan Sucuudigu qiran inuu ninkaasi dilay.

Sucuudi Carabiya ayaa iska fogaysay wararkaasi lagu daabacay wargeysyada Washington Post iyo New York Times.

Khaashuqji, oo ahaa muwaadin Sucuudiga u dhashay kana shaqeynayay warbaahinta Mareykanka, ayaa waxaa si weyn loogu yaqaanay inuu dhaliilo maamulayaasha dalkiisa.

Maydkiisa ayaanan weli gacan lagu hayn, hasayeeshee Turkiga, Mareykanka iyo Sucuudi Carabiya ayaa dhammaantood waxa ay isku raaceen in lagu dilay qunsuliyadda Sucuudiga ee Istanbul 2-dii bishii Oktoobar.

Sucuudi Carabiya ayaa waxa ay diidday in qoyska boqortooyada uu arrintaasi wax lug ah ku lahaa waxa ayna sheegtay inay “ka go’an tahay inay soo hesho xaqiiqda dhabta ah”.

Maxaa lagu sheegay wicitaankii taleefanka?

Intii uu socday wadahadalka dhexmaray wiilka uu sodogga u yahay Madaxweyne Donald Trump Jared Kushner iyo Lataliyaha Ammaanka Qaranka Mareykanka John Bolton, ayaa waxaa lagu sheegay in Amiir Maxamed ayaa sheegay in Khaashugji uu xubin ka ahaa ururka Ikhwaanul Muslimiin, sida uu ku warramayo wargeyska the Washington Post.

Wicitaanka taleefanka ayaa la sheegayaa inuu ahaa 9-kii bishii Oktoobar, todobaad kaddib markii la waayay Khaashuqji.

Amiir Maxamed ayaa sidoo kale la sheegayaa inuu ku booriyay Aqalka Cad inuu ilaaliyo xulafada ka dhaxaysa Mareykanka iyo Sucuudiga.

Amiir Maxamed ayaa waxa uu ugu baaqay Aqalka Cad inuu dhowro xulafada Mareykanka iyo Sucuudiga Maxamed ayaa waxa uu ugu baaqay Aqalka Cad inuu dhowro xulafada Mareykanka iyo Sucuudiga

Bayaan ay wargeyska soo gaadhsiiyeen qoyska Khaashuqji ayaa waxa ay ku diideen inuu xubin ka ahaa Ururka Ikhwaanul Muslimiinta, iyagoo sheegay in qoraaga la dilay laf ahaantiisa uu sanadihii la soo dhaafay si joogta ah u diiday inuu ururkaasi xubin ka yahay.

“Jamaal Khaashuqji ma uusan ahayn qof halis ah si walba oo loo eegaba. In sidaas lagu tilmaamana waa wax laga yaqyaqsiyoodo,” ayaa lagu sheegay bayaanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker