Dawladda Jabuuti Oo Diyaaradii Labaad oo Sida Gurmad ka Fatahaada Webiga oo Gaadhay Muqdisho.(Sawiro)

Diyaarad sida deeq gargaar ah oo isugu jirta daawo iyo agab kale oo ah wajigii labaad ee garmadka dowladda Jabuuti ayaa soo gaartay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho waxaana la wareegay gargaarkaas guddiga gurmadka Qaran ee fatahaadda.

Guddiga Gurmadka Fatahaada ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay doorka ay qaadaneyso Caawinta Shacabka Magaalada Beledweyne ee Hiiraan.

Safiirka dowladda Jabuuti ee Soomaaliya Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in Gargaarkaan ay sii wadi doonaan si dhibaatada looga saaro dadka ay saameeyeen Fatahaada Wabiyadda Jubba iyo Shabeelle.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker