Xaaska Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Oo Difaacday Xildhibaan Ilhan Omar

Michelle Obama oo ah Xaaska Madaxweynihii hore ee dalkaasi, Barack Hussien Obama ayaa sheegtay inuu Madaxweyne Trump ku kacay gef aan garowshiyo lahayn, kadib, markii uu ku dhawaaqay inay dalalkoodii hore ku laabtaan Haweenka Xildhibaanadda Midabka leh ee ka tirsan Kongareeska Maraykanka.

 

Qoraal ay Michelle Obama soo dhigtay Twitterkeeda waxay ku sheegtay in qofka ku dhashay Maraykanka iyo kan Qaxootiga ku ah ay wada leeyihiin Maraykanka, isla markaana loo baahan yahay in maanka lagu hayo inaysan jirin cid gooni u leh Maraykanka ee la wada leeyahay.

 

“Xitaa, haddii aan ku dhalanay halkan ama aan soo raadsanay Qaxooti, waxaa jira meel aan wada leenahay, waana waajib inaan xusuusnaano inaysan ahayn Maraykankaya ama Maraykanka, ee waa Maraykanka aan wada leenahay” ayey ku qortay Twitterkeeda.

 

Marwadii 1-aad ee hore, Michelle Obama oo 55 jir waxa uu biyo-dhaca Twitterkeeda u muuqday mid ay ku naqdinaysay hadalkii Madaxweyne Trump ee uu dhawaan ku sheegay in Xildhibaanadda Haweenka Midabka leh ee ka tirsan Kongareeska ay dib ugu laabtaan dalalkoodii hore.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker