Masuuliyiintii isku halayn waayay ujawaabidii Caare maxay maanta uga aamusanyihiin jabhadan xamar

Waxaa laga dhaxlaa waayo kasta oo lasoo maro xusuus iyo waaya aragnimo waxaana laquutaa hadba xiligaa lagu jiro , mudo ayaa laga joogaa markii Janaraal Siciid Cawil Jama oo loo yaqaanay Caare uu ka goostay ciidanka Somaliland, kaasoo xiligaa ahaa sarkaal sare oo qaabilsanaa sahanka,wuxuu Caare xiligaa warbaahinta usheegay inuu arkay cadaalad daro iyo midabkala sooc ciidanka dhexdiisa iyo weliba in awoodii ciidan cidgaar ahi ay gacanta ku hayso.wuxuu xiligaa janaraalku sheegay inuu ku dhexdagaalamyo Somaliland cadaaladana gudaheeda ka raadinayo,

Wuxuna meesha kasaaray inaanay jirin cid gacan ku leh
Goosashadiisa xiligaa balse ay isga ka timi. Mudo ka dib diidmadii xukuumada ay diiday in lagu dhex xaliyo arintii beelaha Ceel afweyn
Wuxuu u kolanyaystay dhinacaa iyo Puntland,halkaas oo uu mudo kusugnaa ,hase yeeshee markii isaga iyo maamulkaasi isku fahmi waayeen qaabka loo waajahayo Somaliland oo uu diiday siday iyagu wax urabeen, wuxu sidii SNMtii minguste soo baacsaday isku soo dhex tuuray wadankiisii, taasoo uu kala kulamay dagaalo iyo rabshado adag oo galaaftay nafo badan , isku soo duubo nuxurka qoramadani maaha inaan kawarano taariikhada jabhadii Caare ee waa tusaale.
Waxay tahay ujeedada aan uga dan leeyay qoraalkan xiligaa waxaa laga bilaabo saacadii uu hadlay macduun noqday TV yadii faraha badnaa iyo warbaahinta guud ahaan,
Iyadoo lakala waayay cidii warka ka tebin lahayd ragii xiligaa baratanka ugu jiray ka hadalka arintaas.haba ugu daraadaan kuwa ay haybta wadaageen ee ku jiray xukuumada xilkay doonan haka hayaane xataa waashmaan.
Hadaba maxaa maanta oo ay tii oo kale taagan tahay oo jabhad cusub lagaga dhawaaqay isla gobolkii Sanaag loo waayay hal mas’uul oo arintaa ka hadla!!!!
Mise dadka qaar baa loo murqaamaa la hadalkooda iyo ujawaabkooda , waa so’aal ubaahan in lays waydiiyo waxaana xusid gaar ah mudan inay jabhadani
Maalintii ugu horeysaba ay sheegtay inay Somaliland ka goosteen hoosna tagaan Xamar.
Iyagoo weliba dhex jooga Somaliland. sikastaba ha ahaatee
Waxaa laga dhursugayaa qaabka ay xukuudadu u waajahdo jabhadan oo ka xun tii Janaraal Caare.
Khatar weyna ku ah xasiloonida iyo qaran nimada Somaliland.

Allaa mahadleh
Iman M Ciise

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker