Oof Wareenka Siyaasada iyo Iimaha Xisbiyadda Maanta (Qormadii 3 aad)

Soo if-bixii jabhadda Korneyl Caare ayaa iyana noqotay dabayl qabow oo oofta bidix kaga dhufatay xisbiga WADANI, labo arimoodbana, waxay ugu yeelatay raadeyn taban, tan hore, siday ii xaqiijiyeen ilo ku dhow-dhow talo-hayeenka  Xisbiga WADANI, 60% dhaqaalihii xisbiga WADANI ka heli jiray taageerayaashiisa Garxajis, waxay u baydhay dhinaca Korneyl Caare, iyagoo u aqoonsan Geesi dulmi diid ah, oo xaq u-dirir ah. Maadaama,  dhaqaaluhu yahay saldhiga sahla fulinta qorshe iyo hawlgal kasta, tani, waxay laciifisay hanaqaadkii xisbiga ee baahinta awoodiisa siyaasadeed ee dalka, waxanay hadyad dadban u noqotay Xisbiga KULMIYE ee ay loolanka siyaasiga ah ku wada jiraan, una arka liicitaanka dhaqaale ee Xisbiga WADANI furaha guushooda, saameynta dhaqaale ka sokow, iyana waxaa jira mid siyaasadeed, oo ah,  in Kaadiriinta Xisbiga KULMIYE iyo xukuumadooduba ay jabhadda Korneyl Caare ku sifeeyaan fidqo ka mid ah Xisbiga WADANI, iyagoo arintan isu-egta ah u isticamaalaya qaab borobogaandi siyaasi ah oo ay ku naafeeyaan sumcadda Xisbiga WADANI ku leeyahay bulshada dhexdeeda, una bandhigaan Shacabka sawirka ah inay u taagan yihiin burburinta dalka, iyaguna yihiin (KULMIYE) kuwo u taagan badbaadada dalka, waxay kaloo u isticmaalaan inay isaga jeediyaan, kuna mashquuliyaan indhaha bulshadda ee soo eegaya fashilka siyaasadeed, kan bulsho, kan amni iyo kan horumarineed ee xukuumadda Mr. Biixi dhexda u fadhido. Docda kale, taageerayaasha xisbiga WADANI ee aan garxajiska ahayn ayaa iyaguna xaaladan lafteeda ka qaaday walaahow siyaasi ah, kuwaaoo arkaya in badan oo saaxiibadooda kala tirsan Xisbiga WADANI ee kasoo jeeda beelaha Garxajis oo aragti qabiilaysan ula dhacsan, taageero cod iyo cuudba lehna la garab taagan Jabhadda Korneyl Caare, taasoo ah aragti aanay iyagu la qabin, Gudoonka sare ee xisbiguna uma muuqdo mid leh xirfad siyaasadeed iyo mid hogaamineedba oo uu arimahan si uun isugu waafajiyo.

Arinta kale ee Xisbiga WADANI iyo hogaankiisaba caqabadda ku ahi, waa sidii ay maareyn iyo xal ugu heli lahaayeen, raadaynta wiiqan ee Doorashadii Madaxweyne ee 2017 ay quluubtooda kaga tagtay in badan oo taageerayaasha Xisbiga WADANI ee kasoo jeeda Beesha Garxajis ka mid ah, kuwaasoo cunfi iyo cadho-ba u qaaday deegaanada ay u arkaan inay xisbiga ka codeeyeen waqtigaas, halkii ay la iman lahaayeen aragtida ah inay ka shaqeeeyaan sidii ay u hanan lahaayeen quluubtooda kuwii shalay ka codeeyay,  waxaanay arintani nabar ku noqotay kalsoonida taageerayaasha Xisbiga ee aan Garxajiska ahayn, oo aan raali ku ahayn waxa xisbigooda ka dhex hulaaqaya, kana didsan amaaradda iyo sawirka qabiil ee xisbigoodu ku shaqlan yahay, iyadoo tani sababtay inay in badan oo kale oo xisbiga kusoo biiritaankiisa  damac ka hayayna ay dib u fadhiistaan.  Tan macnaheedu ma ahan, in dhamaanba taageerayaasha WADANI ee kasoo jeeda Beesha Garxajis ay arintan iskaga mid yihiin,, balse, waxaa jira in badan oo kasoo horjeeda cunfiga noocan oo kale ah,una aragta inaanay sidani xisbiga iyo dalkaba dan u ahayn, kuna hawlan sidii Xisbiga dhexdiisa looga sifayn lahaa aragtiyahan faasidka ah ee jiritaanka xisbiga dhantaalaya.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muhiim ah in xisbiga WADANI ka yeesho istraatijiyad cad oo lagu maareeyo arimahan laf-jabka ku ah hanaqaadka xisbiga, waajibka kowaadna wuxuu saran yahay Gudoomiyaha Xisbiga, oo isagu ah kan damaca siyaasiga ah leh, una baahan codka qofkasta iyo hayb kasta, haddii kale, wuxuu u diyaar garoobi doonaa inuu markasta galo tartan doorasho oo hadyad dadban u noqda Korneylka aan aragtida qaran iyo himilada umadeed lahayn ee Beerta iyo Baloodhka kaga mashquulay amaandii la saaray.

Asalkaba, qaacidada furaha u ah siyaasadu, waa inaad ku fara adaygto taageerayaashaada ku jecel, una dhoola-cadayso si aad quluubtooda u raadayso kuwa aad ogtahay inaanay ku jeclayn, siyaasada laguma macneeyo inay tahay wax rigli ah oo markasta meel iska taagan, laakiin, taas cakiskeeda, waa mid dildilaanta oo hadba dacal joogta, waa sababta loo yidhaahdo, siyaasdu Dan joogta ah bay leedahaye, saaxiib joogto ah malaha, dhaqanka siyaasada lagu yaqaanaa, waa in saaxiibkii aad shalay isugu dhoweydeen, maanta isugu fogaataan, kaad shalay isugu fogaydeena aad maanta isugu dhawaataan, waayo, masaaliixda siyaasadeed ee siyaasiga ayaa ah mid guurguurta, taas ayaana jaangoysa hadba cidda ay u eekaanayaan taageerayaashiisu, waana taas ta laga rabo taageerayaasha Xisbiga WADANI ee kasoo jeeda beelaha Garxajiska  intooda seef la boodka ah, bedelaana aragtiyaha aan u sahlayn inay guulaystaan, sida dadbana fursada guusha ugu hibaynaya lidigooda siyaasadda.

 

Dhinaca kale, Haddii aynu Geediga qalinka u rarno dhanka KULMIYE, ———–la soco qormada 4 aad…

 

Qalinkii; Mr Hussein Mohamed Mohamoud (Xuseen-laki)

Email, husseinlucky@hotmail.com

Burco.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker