Siyaasi Khadar Figaase oo Maanta Ka Hadlay Shirka G/ Dhexe Ee Xisbiga+ Talooyina u Diray Masuuliyiinta Xisbiga

 

Hargeysa (OWN) Siyaasi khadar Figaase Dubbad oo ka mid ah siyaasiyiinta Gobolka Daadmadheedh, isla markaasna ah xubinka ka mid ah Xisbul xaakimka Kulmiye ayaa maanta mar uu warbaahinta ku la hadlaayay magaalada Hargeysa, ayaa wuxuu ka warramay Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo dhawaan la filayo in uu dl ka qabsoomi doono magaalada madaxweyda Gobolka Awdal ee Boorame.

Siyaasiga ayaa ugu horreyntii soo dhaweeyay Shirkaas waxaana hadalladiisii ka mid ahaa”Waxa aan soo dhaweynayaa Shirka Golaha dhexe oo la filayay in 23 Bishan ka qabsoomo Magaalada Boorame balse duruuf timi darteed labo cisho dhib u dhacay. Si walba oo ay ahaataba waxa si wayn dalka maalmahan uga muuqda qabanqaabada iyo u diyaargarowga shirka oo hadalhayntiisuna ay aad u badan tahay.”

Sida oo kale waxa uu Siyaasigu tibaaxay, shirkaas waxa laga filayo in ay ka soo baxaan: “Shirkani waa mid muhiim u ah Xisbiga iyo dalka JSL, sababta oo ah waa xisbiga ugu faca weyn seddexda Xisbi qaran waana muraayadda la dhehanayo Somaliland, sidaa darteed waxa la filayaa in uu shirkani noqdo mid ay ka soo baxaan talooyin waxtar u leh Xisbiga iyo tallaabooyin lagu horumarinayo Qaranka Somaliland.

Siyaasigu waxa uu intaas sii raaciyay in ay xubnaha Golaha Dhexe ay keenaan talooyin dhiddibadda u adkeeya Xisbiga, “Guud ahaan Xubnaha Golaha dhexe waa in ay la yimaaddaan ajande cad oo lagu horumarinayo Xisbiga sida oo kale na lagu xoojinayo tiirarka iyo rukumada uu xisbigu ku taagan yahay.” Ayuu yidhi intaas sii raaciyay.

Ugu danbeyntii, Siyaasi Khadar Figaase waxa uu dardaaran iyo talo u soo jeediyay madaxda iyo masuuliyiinta xisbiga kulmiye waxaanu kula dardaarmay in sharciga la dhawro isla markaasna la xoojiyo midnimada iyo wada jirka xisbiga, isla markaasna meel looga soo wada jeesto dardargelinta iyo geeddisocodka Jamhuuriyadda Soomaaliland, isaga oo ka digay in khilaaf goolaha ka dhex abuurmo taas oo sababi karta in uu Xisbigu baaba’o waxa na uu siyaasi sheegay in Xisbigii Udub uu toosaale nool u yahay midhaha Khilaafka laga dhaxlo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker