“Gadabuursi Waxaan U Sheegayaa, Ceelku Wuu Ina Deeqayaaye Ee Iidnku Biyaha Ha Iska Dhooqaynina..”

Suldaanka guud ee Beelaha Samaroon, Suldaan Saleebaan Suldaan Cali Ismaaciil oo Shalay khudbad ka jeediyey Magaalada Boorama oo uu lagu soo dhaweeyay Madax\weynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in aanay reer Boorama u kala hadhin.

 

Suldaanka guud waxa kale oo uu ka Mahad-celiyey in Magaalada Boorama lagu qabto Shirka Golaha dhexe ee Kulmiye oo Isniinta Maanta ka furmaya halkaasi “Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayo Qalbi furan iyo niyad-wanaagsan ayaanu ku soo dhaweynaynaa. Shirka Xisbiga ee lagu qabanayo Halkanna (Boorama) waanu ka Mahad-naqaynaa.”

 

Suldaanku waxa kale oo uu sheegay inaan loo kala hadhin soo dhaweynta Madaxweynaha iyo weftigiisa “Maanta looma kala hadhin waxay doonaanba ha sheegatee, waa loo dhan yahay, 1964-kii doorashadii Soomaaliya ka dhacday meeshii la yidhi Hal diiday ma leh Wallo-weyn ma ahayn, manta hal diiddan ma leh.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Gadabuursina waxaan u sheegayaa Ceelku wuu ina deeqayaaye biyaha ha iska dhooqaynina, Adigu biyaha ha iska dhooqaynin..”

 

Suldaanka guud ee Beelaha Samaroon,

Suldaan Saleebaan Suldaan Cali Ismaaciil

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker