Maxaa Ka Jira In Khilaafka Xisbiyadda Iyo Xukuumadda Oo Sii Cakirmay kadib Go’aankii Maxkamada Sare?

Khilaafkii u dhaxeeyey Xukuumadda Somaliland iyo Xisbiyadda Mucaaradka ah ayaa u muuqda inuu sii laba qarxayo,waxaanay dhinacyadu weli kale taaggan yihiin mowqifyo kale fog, iyadoo Xukuumadda ay inta baddan tahay mid ku cel-celinaysa in doorahada ururradu ay soo horrayso,halka ay Xisbiyadda Mucaaradku ay iyana taaggan yihiin in doorashada Madaxtooyadda ay tahay mida miiska saaran ee soo horraysa.

Wallow Maxkamadda Sare ay qaraar soo saartay haddana maaha mid daawo u noqonaya khilaafka siyaasiga ah ee hadda dalka ka taaggan,iyadoo ay dhinacyaddu ay soo dhaweeyeen,haddana ma jiro wax isku soo dhawaansho ah,waxaanay labada dhinac kale joogaan cirka iyo dhulka,iyadoo ay u muuqato in dhinac waliba uu isagu ku adkaysanayo mawqifkiisa,isla markaan ay addag tahay in la helo wax tanaasul ah.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo musharraxa Xisbiga ayaa iyagu shalay fagaare ka sheegay in doorashada Madaxtooyadda loo diyaar garoobo,maddaama oo ay iyadu soo horayso,isla markaana ay miiska saarantahay “Xukuumadu waxay qajilaadi isku dhaafisay ururadu way furanyihin,doorashadii Madaxtooyada ayaa ka soo horaysay oo dhacaysa 13 November ee ha loo diyaar garoobo ” Gudomiye Xirsi Cali X Xasan

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isna sheegay in xisbi ahaan ay u diyaar garoobayaan, doorashadii madaxtooyada Somaliland.”Marka waa guul insha allah, doorashadii madaxtooyada ayaanu u diyaar garoobayna, doorashada kalena madaxwaynaha soo baxa ayay u taallaa” ayuu yidhi Faysal.

Xoghahaya Guud ee Xisbiga WADDANI oo isna arrintaas ka hadlay ayaa sheegay sidan:-“Doorashada Madaxtooyadda ayaa dib u dhacaysa waa riyo maalmeed haddii uu ina Kaahin ku riyoonayo iyo haddii uu ina Biixi ku riyoonayo,doorashada Madaxtooyaddu 13 November 2022-ka ayey dhacaysaa ,doorashooyinka wakhtiga ay dhacayaan rayi maaha ee waxa weeye wax uu dastuurku jidaayey markaa doorashada 13 November ayey dhacaysaa,dhibtana wax kale maaha Madaxweyne Muuse waxa uu is oggaaday in shacbiga reer Somaliland ay quus ka joogaan hoggaamintiisa, Muuse wuxuu ka baqanayaa inuu la tartamo Cabdiraxmaan Cirro ,lakiin waa qasab Faysal Iyo Cabdiraxmaan ayuu Muuse la tartamayaa ama ha tanaasulo oo doorashada haka hadho,lakiin doorashada Madaxtooyadda xilligeedii ayey ku dhacaysaa cid hor istaagi kartaan ma jirto,wax jid gooya ah oo horyaal doorashada Madaxtooyadda ma jirto qorshaheedii waa diyaar oo Komishanku wuu sameeyey in laggu dhaqaaqo oo laggu hawlgalo ayey u baahan tahay.”

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee xisbiga Kulmiye wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo laba jeer la hadlay war-baahinta shalay ,ayaa isna u sheegay in loo diyaar garoobo doorashada ururrada ,waxaanu sheegay in guddida diiwangelin iyo Komishanka doorashooyina Qaranka ay hawshaasi isku diyaariyaan,waxaanu u muuqday mid soo qadimaya doorashada ururrada,isla markaana afka ka dhawraya doorasha Madaxtooyadda ee ka soo horaysa.

Sidoo kalena afhayeenka Xukuumadda Madaxweyne Biixi Wasiir Saleebaan Cali Koore oo isna arrintaas ka hadlay ayaa sheegay in uruurradii furran yihiin,waxaanu ku baaqay in loo diyaar garoobo,isagoo farray guddida diiwaangelinta ururradda iyo Komishanka Qaranka in ay hawshooda qabsadaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker