Imaaraadka Carabta iyo Israel Maanta Gaadhay Heshiis Taariikhi Ah

Imaaraadka Carabta iyo Israel ayaa maanta gaadhay heshiis nabadeed oo taariikhi ah, oo uu fududeeyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, kaasi oo labada dal ay ku yeelanayaan xiriir diblomaasiyadeed oo rasmi ah.

Heshiiskan ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah in Israel ay joojiso qorshihii ay ku goosaneysay qeybo ka mid ah dhulka Daanta Galbeed.

Heshiiskan ayaa waxaa maanta lagu gaaray wada-hadal taleefon oo ay yeeseen madaxweyne Trump, ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo dhaxal-sugaha Abu Dhabi Sheikh Mohammed Bin Zayed.

 

“Horumar weyn ayaa dhacay maanta. Heshiis Nabdeed oo taariikhi ahoo ay gaareen laba ka mid ah saaxiibadeena ugu weyn ee Israel iyo Imaaraadka Carabta,” ayuu Trump ku qoray bartiisa twitter-ka.

Saraakiisha ayaa sheegay in heshiiskan loogu magac daray Abrahams Accord, waana kii ugu horreeyey ee noociisa ah tan iyo heshiiskii nabadeed ee ay kala saxiixdeen Israel iyo Jordan 1994-kii.

Heshiiskan ayaa wuxuu Trump siinayaa guul siyaasadeed arrimaha dibedda ah oo weyn, xilli uu raadinayo in dib loo doorto 3-da bisha November.

 

 Imaaraadka Carabta ayaa noqonaya dalkii saddexaad oo Carbeed oo xidhiidh  diblomaasiyadeed la yeeshay Israel, kadib Masar iyo Jordan, iyo dalkii ugu horreysay oo ka tirsan Khaliijka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker