Car yaa ku dhaca Ina geela Arab shirqoolkisa?

Abwaanki weynaa ee maxamed nur fadal Alle yarxam wakii lahaa ” waxbayaanu xaal imarin xolane isiine xashee nin libbin ka xistay xumi wa yaaab.”
Waxaan caawa aad uga xumaaday o igu kalifay inaan wax so qoro waa arrinta dhiilada ah ee lasoo shegayo wadankaygi kaso yedhay taasuu u kandabeeyo dawlada rabshada iyo xaqiraada somaliland jecel e jabuti oo dhaqdaqjisay dabadhilifkeda somaliland u jogo si aay sifii xabashida uga dhex kalumaystaan caasimada hargaysa .
Nin baa badida kula daydaya daalna ka badane misana aanan donaaan inaad heshaa dayin abid kaa.
Abwaanki Ibraahim Fiqqi yusuf (Kitte fiqqi) wakii isna kii lahaa, ”
Inkastuu is gumeysto
Ama uu is garaaco
Isaaq guudka sareeto
Aniga iiga gudboone
Haddaanan Geelle u aarin
Oo warmahayga guduudin
Duul gumaan ka dhashay”.
Madaxweyne muuse ,waxay ahay dhaliyarada ilaa malinki lagu tagertay ila malinkii lagu dortay ,runtii cadowgii waad ka nixisay wadankana xalad kastaa hajirtee meel fiican baad u jahaysay runtii .
Maalinkasta waxaad anagoo runtii qurbaha jogna una dhagtaagna hadba horrumar iyo caqabad wadankayga waxa kusoo kordha . Madaxweynaheena mahadsanid runtii anigu waxan odhan karaaa xilkii waad kasoo baxday ilaaa hada man shaa Allah.
Aan dib ugu noqdo caawa waxaan qalinka u qaatay waxaan maqlay macangaga jabuti baa u qalab qaatay shirqoolka ganacde ina geele arab ilahay ha ilaaliyee. Izmial cumar geele ifka waa ninka ugu horeeya ee cunaha iskaga duubay ictiraaf kii somaliland ,hada weliba ku darsoo hadi dhaqanki somaliyeed aan ka hadlo waa inala xidid o gabadh buu inaga hayaa ,waar wuxu xishood daraana ,Ale yaa hadeeg.
Horta waxan dawlada muuse bixi aan ushegaya madaxweyne waanu ku hanweynayn balse hadii arrinkanu dhaboobo, horta ogoow gelgelintan inaan nabad lagu wada joogaayn oo tolkay waa aqaana,wa talabaad arrintanu walaahi Arab o keliya ma jogee waxaay dhawacaysaa sharafta reer somaliland o dhan.
waxaay mesha kasaraysaa somaliland jiritankina ,Waayo xagee sheko shahid lagu arkay dawlad dhibta muwadininta o aan wax denbi lagu so ogay kaaga darane ,u gacan meel aan nidam dawkadeed oo u xaq sorta muwadininta aynin jarrin? Walaahi waa mid subha Allah ,halaga fiirsado waa halis aad u weeyn o sababi karta inaaaynu weyno xasilooni ,inaaynu waayno ictiraaf ,in shacabku dawladu ku kacaan,in fadqalalo iyo amni burbur ku yimaado casimada iyo dhulka kale ,in ismacil cumar geele o o ah cadowga daaha dabadiisa isku qariyaa u dabal dego cebtena iyo moganaantena hadaay dabinidisa iska jirrin .madaxweyne waxan ku kalsoonahay anigoo muwaadin dalkisa u dacada inaad qaadan doonto talada saxda In sha Allah ,adigoo tixraacaya geesinamada iyo haladayg lagaa bartay ,iyo dhiraanaanta .hadisa ilaahay kama dhige aad aay dawladadu ildufto haayskuu halayn tageerada kumaan hegayanan muwaadiina o ku hanwaynaa.shacabka xalashaha ah ee somaliland waxaan leyahay ninkaa miskinka ah ee xolihisii horre lo dhacay baad ina geele iyo dawlada jabuuti hadeer sida huno hunudu shegayso la rabbo in hargeisa laga qafaasho fejinaan haloo mujiyo .waxaan hanbelyayaa odayaayasha gadhweykaa qabilada reer somaliland o ka hordegay tuhunkaa xun o aan rajaynayo in cidkasto ku hamiday candhufta dhib uliqi maayso.waxaan hubaa reer somaliland inay weligood aaay xabaalo o lagu adkeeyo ka xigaan quudhsi iyo amarku taaglaayn lagu rido.
Fiiro gaara ganacde Ina geele isku qabiil ma nihin ,balse waxaan aad uga dhiidhiyey xaqdaradaa mesha ka dhacaysa iyo dulmiga xukumada jabuti manta ano weliba u hamraday.
Ilaahay talada tiisa tosan hayna garan siiyo .
Reference:http://www.hoygasuugaanta.com/Kite3.htm
Dulmi diid
Fuaad galaaydh.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker