Dabley Hubeysan Oo Weerar Ku Qaaday Deegaan Ka Tirsan Magaalada Gaarisa.

Gaarisa-(OWN)-Booliska Kenya waxay sheegeen in xalay dabley hubeysan ay rasaas ku fureen goob ay dhismo ka waday shirkad Shiinees ah.

Taliyaha booliska Joseph Boinnet wuxuu sheegay in ciidamada ammaanka ay fashiliyeen weerarka ka dhacay deegaanka Shimbirey oo ku yaalla inta u dhexeeysa magaalooyinka Gaarisa iyo Madoogaashe.

Ilaa hadda lama sheegin khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayay aheyd markii weerar uu ka dhacay magaalada Nairobi halkaas oo ay ku dhinteen 21 qof kaddib markii dabley hubeysan ay weerar ku qaaday dhismaha DusitD2.

Weerarkaasi waxaa sheegtay inay ka dambeeyeen ururka Al Shabaab ee ka dagaallama Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker