Siyaasi Dr.Mohamed Cismaan Fadal oo hadimo Sharafeed ku Sagootiyay Ambassador ka cusub ee dalka Itoobiya dhawaan loo magacaabay Ambassador Salaan Xasan keyd.

Hadimo sharafeedkan oo maanta ( khamiistii) lagu qabtay Hotel RCH Lounge.Ayaa ahayd mid lagu maamuusayo Ambassador ka oo magac weyne iyo milgaba ku leh bushada Jamahuuriyada Somaliland maadaama uu ka soo jeedo qoys hore halgamadii iyo Siyaasada dalkan Somaliland  qayb Libaax ku lahaa. Qoyska reer Cabdale walanwal.Gaar ahaan Mujahidka dhalay ambassador ka oo ahaa Mujahid .General Xasan kayd Cabdale Walanwal.

Hadaba xafladan sagootiga oo daaranayda dardaaran,hogatusaaleyn ,qadarin iyo qiimayn badan oo uu mutaystay Ambassador Salaan .
Waxaa ka soo qayb galay odayaal Ruug cadaa ah,siyaasiyiin,,qurbajoog,iyo Aqoonyahan fara badan. Kuwaas oo u han weynaa magacaabida Danjiraha dalka Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyada Somalilanad.
Waxaa xafladaasi lagu soo afmeeray Duco, kal gacay iyo hiigsi wacan oo lagu hambalyeeyay.
Ambassador Salaan Xasan kayd.
Mataan M Omar
Hargaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker