“Ragg maanta weriyeyaal caana ah waxay naga Gadi jireen joornaaladda” : Wasiir Saleebaan Cali Koore

Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa ku dhaliilay warbaahinta madaxa banaan ee dalka ka hawl gala in ay ka fogaadaan wararka iyo waxyaabaha ummadda Somaliland kala fogaynaya.

Waxaanu sheegay in warbaahinta madaxa banaan ay wadamadda caalamku ay u taagan tahay in ay wax dhisto, isla markaana ay jiraan waxyaabo ka reeban ayna ilaaliyaan qiyamka dalkoodda una tudhaan.

Saleebaan Cali Koore, waxa uu tilmaamay in haddii ay warbaahinta guduhu ku foognaato wax ka sheega gudaha bulshadda  dhexdeedda oo ay  kala qaybiyaan in taasi ay sawir qaldan ka bixinayso Somaliland.

Waxa kaloo uu sheegay in uu goob joog u soo ahaa bilawgii warbaahinta casriga iyo ta madax banaan ee Somaliland, iyadoo ragg xiligaa bilaabay qaarkood ay hadda yihiin weriyeyaal caan ah.

Isagoo xusay in warbaahinta Somaliland ay samaysay horumar balaadhan, balse loo baahan yahay in la sii tayeeyo warbaahinta dhinaca wanaagsan wax ka sheegta oo aan xumaan oo keliya ku foognaanin.

Wasiirka cusub ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koore, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay munaasibad uu maanta xilka kagala wareegayay wasiirkii hore ee wasaaradaasi Maxamed Muuse Diiriye.

Munaasibadda xil wareejinta oo ka qabsoontay Hoolka tiyaatarka ee xarunta wasaaradda warfaafinta ee magaaladda Hargaysa, ayaa wasiir Koore waxa uu halkaas ka jeediyay khudbad dheer oo uu dhinacyo badan kaga hadlay.

Geesta kale Saleebaan Cali Koore, waxa uu ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay Somaliland oo uu sheegay in ilaa aasaaskeedii uu u taagnaa, isla markaana uu wax badan xog ogaal u yahay.

Waxaanu intaas raaciyay inuu xog ogaal u yahay wasaarradaha iyo hay’adaha dawladda Somaliland bilawgoodii iyo waxyaabihii ay soo mareen.

Halkan Ka Daawo Khudbadii Wasiir Koore:

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker