Faahfaahin ka Soo Baxaysa Qarax Saaka Ka Dhacay Caasimada Somalia ee Muqdisho

Muqdisho (OWN) – Wararka naga soo gaadhayo Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay qaraxa Xooggan oo laga maqlay xaafado ka tirsan Magaalada.

 

Qaraxa ayaa ka dhacay ka soo horjeedka Carwadii hore ee Taleex ee Degmada Hodon , wuxuuna haleelay gaadhi halkaas marayey.

Qaraxan oo warar kala duwan ay kasoo baxayaan ayaa la sheegay in uu ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ah . halka wararka kalana ay sheegayaan inuu ahaa Qarax gaadhiga lagu soo Xidhay.

 

Gaadhiga Qarxay ayaa la sheegay inuu lahaa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya inkastoo aan weli la xaqiijin inuu isaga saarnaa isla markaasna aan la helin magaciisa.

 

Sida ay goobjoogayaal sheegeen inta la ogyahay waxaa ku dhaawacmay darawalkii gaadhiga waday, waxaana gaadhiga soo gaadhay burbur xooggan, sidoo kalana waxaa jiro dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah oo jidka marayey.

Ciidamada booliska Soomaalia oo tagay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa ku dhawaad saacad xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa ka dhacay taasoo saameyn ku yeelatay isku socodka Dadweynaha iyo Gaadiidka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker