Ninka loo magacaabay in uu dhexdhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya

Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo ayaa Midowga Afrika uu u magacaabay inuu madax ka noqdo wadahadallada Soomaaliya iyo Itoobiya.

Si looga hortago sii hurinta xiisadaha u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya, Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika (PSC) ayaa qaaday tallaabo waxayna ka codsadeen Madaxweynihii hore ee Nigeria Olusegun Obasanjo inuu hoggaamiyo wada xaajoodka isla markaana la qaboojiyo khilaafka sii kordhaya.

Xiriirka xumaaday ee u dhexeeya labada dal ee jaarka ah ayaa bilaabmay markii jamhuuriyadda iskeed madaxbananida ugu dhawaaqdayy ee Somaliland ay heshiis la saxiixatay Itoobiya 1-dii January, heshiiskani wuxuu Itoobiya u oggolaaday inay maamusho deked badeed iyo saldhig ciidan oo ay ku yeelato badda cas, taasoo xiisad ka abuurtay gobolka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker