Wariye ka hawl gala telefishan ku yaal London oo isla magaaladaas lagu tooriyeeyay

Weriye ka tirsan TV-ga Iran ee fadhigiisu yahay London ayaa toorri lagula dhacay bannaanka gurigiisa oo ku yaalla magaalada, sida uu sheegay telefishanka uu u shaqaynayey.

Warbaahinta Iran International, oo si weyn uga warbixisay 2022-kii mudaaharaadyada dawladda lagaga soo horjeedo ee Iiraan, ayaa sheegtay in Pouria Zeraati, oo 36 jir ah, ay koox soo weerareen.

Bilayska Caasimada ayaa sheegay in saraakiisha takhasuska leh ee la dagaalanka argagixisadu ay hogaaminayeen baadhitaanka tooreynta.

Dhibbanaha ayaa isbitaalka ku sugan isaga oo miyir qaba, ciidamada ayaa intaa ku daray.

Taliye Dominic Murphy, oo ah madaxa qaybta taliska Met ee la dagaalanka argagixisada, ayaa sheegay in saraakiishu ay maskaxda ku hayaan wax kasta oo dhiirigelinaya weerarka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker