Wasiirka ka Tirsan Maamul Goboleedka Puntland oo uu ku dhacay Coronavirus Warbaahintu waraysatay

Wasiirka Ganacsiga ee dowlad goboleedka Puntland, Cabdullahi Cabdi Xirsi, ayaa ka warramy sida ay xaaladdiisu noqotay markii uu ku dhacay xanuunka safmarka ah ee coronavirus.

 

 

Wareysi gaar ah oo uu siiyay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayuu ku sheegay in markii ugu horreysay uu cudurka isaga shakiyay, kaddib markii uu dareemay astaamo aan aad loogu aqoonin Covid-19.

 

 

“Maalintii Arbacada ee ay bishi 6 ahayd ayaan dareemay indha xanuun, sidaad la socotidna cudurku waddanka ayuu ku jiray oo maalin kasta qof baa soo dhacayay. Maadaama indha xanuunku uu yahay calaamadaha ugu waaweyn ee la dareemo.

Haddana shaki baa i galay oo dadka ayaan weydiinayay. Maalintii saddexaad ayaan si toos ah u dareemay calaamadihii guud ee cudurka”, ayuu yidhi.

 

 

saddex maalmood  kaddib wuxuu sheegay inuu dalbaday gurmad Caafimaad, markii baaritaanka lagu sameeyayna laga helay cudurka.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in uusan si dhab ah u ogeyn qaabkii uu ku haleelay cudurka, inkastoo uu dhawaan safar ku tagay magaalada Qardho.

 

 

“Waxaan ka mid ahaa Wasiirradii u gurmaday fatahaadihii ka dhacay Qardho, aniga iyo wasiir kaleba wuu nagu dhacay cudurka laakiin sidii uu noo Asiibay ma garan karno sababtoo ah waxaa dhici karta inuu qofku muddo waddo cudurka.

Marka ma fahmi karo inaan sii wadannay oo uu markaas nagu dillaacay iyo inaan meeshaas kasoo qaadnay”, ayuu yidhi Wasiirka.

 

 

Wasiir Cabdullahi ayaa intaas ku daray in hadda ay xaaladdiisu wanaagsan tahay, uuna wali ku karantiilan yahay gurigiisa.

 

 

Cudurka Covid-19 ayaa bilihii lasoo dhaafay si xowli ah ugu guud ahaan Soomaaliya, inkastoo saameynta ugu ballaaran uu ku yeeshay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

 

Dowladda Soomaaliya, oo xoogga saareysa xakameynta faafintaanka cudurkan, ayaa sameysay qorshayaal lagula dagaallamayo saameynta coronavirus.

 

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xogtii ugu dambeysay ee ay soo saartay 10-kii bishan ku sheegtay in la diiwaan galiyay 57 kiis oo hor leh, 3 bukaan ay geeriyoodeen 8 ruux oo kalena ay ka bogsoodeen.

 

Fowziya Abiikar Nuur, oo ah Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada XFS, ayaa sidoo kale caddeysay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir 23, Somaliland 17 iyo Puntiland 17.

 

Sidaas awgeed, tirada xaaladaha COVID-19 ee guud ahaan Soomaaliya laga diiwaan geliyay ayaa mareysa 1,054 xaaladood, 51 bukaan ayaa u geeriyooday cudurka, halka ay ka bogsoodeen 118 ruux.

 

Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.

 

 

 

Kooxda safka hore uga jirta la dagaallanka Fayraska Corona ee Soomaaliya ayaa walaac ka muujinaya in cudurka uu si xad-dhaaf ah u fidayo, iyagoo sheegay in bulshada aysan badanaa u hoggaansamin talooyinka la xiriira xakameynta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker