Wasiir Faratoon Oo Sheegay In Maraykanku Ku Canaantay In Aanay Qaddiyadda Somaliland Iib Gayn.

USA-(OWN)-Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Yaasiin X Maxamuud Faratoon ayaa qurbejoogta Somaliland u sheegay in masuuliyiinta Maraykanka ee ay la kulmeen ku canaanteen in aanay arag cid u dhaqdhaqaaqaysa qaddiyadda Somaliland. Waxa uu sheegay in hay’ado kala duwan, ururo iyo masuuliyiin xukumadda Maraykanka ka tirsan u sheegeen in aanay arag ba cid u dhaqdhaqaaqaysa aqoonsi raadinta Somaliland.

“Aad baa la inoogu canaantay meelaha aanu tagnay marka aan runta idiin sheego in aynaan aad u muuqan ‘dee wax arrintan ba u dhaqdhaqaaqayaba ma aragno baa la yidhi’ qof maalin naa yimaadda mooyaane,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Faratoon oo sheegay in ay dhammaan kala kulmeen doodda ah in aanay arag cid Somaliland metelaysa oo dhaqdhaqaaq samaynaysa sida codsiyo iyo ololeyaal aqoonsi raadis.

“Dhammaantood way nagu yidhaahdeen oo mid walba wuu nagu yidhi oo xataa kuwa dawladda nagu yidhi ‘ absolutely wax qaddiyaddiina ah oo aad iibinaysaan ma jirto’ marka taas idinka (Qurbejoogta) ayaa xil weyni idinka saaran yahay, anagu idinkaanu idiin tirinayna,” Sidaas ayuu yidhi wasiir Faratoon.
Wasiirku waxa uu qurbejoogta ku boorriyay in ay wakhtigooda wax ka siiyaan u dhaqdhaqaaqida aqoonsi raadiska Somaliland, islamarkaana xafiisyada dawladda Maraykanka iyo ururada gaadhsiiyaan qaddiyadda Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker