Qaramada Midoobay oo Ka digtay Macaluul Ka Jirta Somaliya

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kumaan carruur Soomaaliyeed ah ay wajahayaan nafaqa darro iyo cudurro, taasi oo sababeen roobabkii aysan waayeen qeybo kamid ah dalka.

“Soomaaliya, 350,000 oo carruur ah oo da’doodu ka yar tahay shanta sano ayaa halis ugu jira inay u dhintaan nafaqo-xumo iyo cudurro, malaayiin qofna waxaa soo food saartay gaajo ka dib saddex xilli oo la waayey roobabkii “ayuu yiri ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha bini’aadantinimada.

Martin Griffiths, ayaa sidoo kale ka digay in laba milyan oo carruur ah oo ku nool Bariga Afrika ay qarka u saaran yihiin in ay u dhintaan gaajo ay sababeen abaaraha ka jira gobolka.

Dhinaca kale, dowladda UK ayaa ku dhawaaqday in ay Soomaaliya ugu deeqday lacag dhan 25-milyan oo Giniga Istarliinka ah, intii uu socday shirkii looga hadlayay abaaraha oo ay martigaliyeen Midowga Yurub iyo xafiiska arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu ururiyay lacag dhan £1.1 bilyan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker