Daawo Waraysi Ku Saabsan Qaabkii Loo Dilay Mujaahid Haragwaafi

Maxamed X. Muuse oo ku magaac dheeraa Haragwaafi waxaa uu dhashay 1944 waxaanu ku dhashay tuulada Gudibi ee deegaanka oodwayne. Wuxuu ahaa ciidamadii kamaandosta ahaa ee Jamhuuriyadii guuldaraysatay ee Somaliya.

Wuxuu ka hawlgali jiray saldhigii ciidamadii kamaandoosta ee Balidoogle. Waxa uu halgankii hubaysnaa ee SNM ku biiray sanadkii 1982. Jiida Guriceel ayuu ka talaabay si uu ugu biiiro Jabhadii SNM. Waxa uu si joogta ah ula shaqayn jiray mujaahidkii Maxamed Cali.

Waxaanu waajibaadkiisu u badnaayeen oo ka hawlgali jiray jiida Tagdheer Hargeisa ilaa Oodwayne. Wuxuu naxdimo mahadho iyo sheekooyin reebay ku hayay qaybtii 26aad ee ciidamadii nidaamkii dumay ee askarigii siyaad Bare gaarahaan gaaskii 3aad. wahashigiisii rugta rasaasta iyo jiida hore ee dagalku waxay sababtay inuu cabsi joogta ah galiyo ciidamadii cadawga. Sida laga sheegay warankiisii kululaa dartii Iyadoo Faqashtu isku habaari jiray Haragwaafi ku qabay! Daagaaladii uu galay inta badna waa uu ku kuulaystay isagoo watay ciidamo tiro yar Hadana Nafta u Keenay Faqashta hawlgalkii uu ku galay magaalada Aw Barkhadle. Waxay ahayd bishii labaad ee sanadkii 1988kii; Isagoo Halkaa ku dhintey.

Waxaa lagu aasay dhoobaguduud. Maalinta Taliskii Siyaad Barre aad iyo aad ayey u farxeen.Waxa Iyaduna Xusid mudan hawl Galkii Karkaalki Xabashiga Ahaa ee Uu Kala Soo Baxay Burco isagoo ku Xidhan Oo Faqash Oo Dhami Ilaalineyso .Taaso Layaab ku Abuurtey Taliskii Siyaad Taaladdan Waxa Hir Galiyey Maxamuud Wadaad Oo Ahaa Raggii Maalinta Harag Waafi La Dilay La Socday Kuna Dhaawac May.

Hadaba halkan hoose ka daawo Maalinta Harag Waafi La Dilay iyo sida loo dilay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker