Qarax caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Wararka magaalada Muqdisho Yaa sheegaya in   qarax xoog leh caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Waaberi.

Qaraxaas ayaa lala beegsaday gaariga afhayeenka booliska Soomaaliya Sadiiq Aadan Doodishe, xilli uu mararyey wadada 21-ka October, gaar ahaan agagaarka isgoyska Afisyooni.

Afhayeenka ayaa la sheegay in uusan la socon gaarigiisa markii qaraxa lala beegsaday, waxaana la soo werinayaa khasaare nafeed oo ka dhashay qaraxaas oo noociisa lagu sheegay miino la dhigay wadada dhinaceeda.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qof shacab ah oo wadada marayey uu ku geeriyooday qaraxaas, sidoo kalena ay jiraan dhaawacyo kale oo aan illaa hadda si rasmi ah loo ogaan inta ay dhanyihiin.

Ciidamada ammaanka ayaa goobta gaaray, kuwaas oo hakad geliyey dhaq-dhaqaaqa wadada, welina wax faahfaahin ah laamaha ammaanku qaraxaas kama bixin.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker