Halkan Ku danbaysay Ardaydii Jaamacada Hargeysi Cadhisay ?

Wasaaradda Waxbrashada iyo Sayniska Somaliland iyo guddida boodhka sare ee Jaamacadda Hargeysa ayaa isfaham ka gaadhay deeqdii Waxbarasho ee ardaydii Wasaaraddu ku qortay Jaamacadda Hargeysa.

heshiiskaasi ayaa lagu gaadhay in ardaydii Wasaaraddu u dirtay Jaamacadda Hargeysa ay sitoos ah u sii wadan doonaan waxbarashadoodii sidaana ay masuuliyadooda kula wareegtay Jaamacadda Hargeysi.

Waxaanay tani wadada u xaadhaysaa, in dhammaanba ardaydii deeqda Waxbarasho Wasaaradu siisay si toos ah u galaan imtixaankii tooska ahaa ee Jaamaacadda Hargeysa kaasi oo u bilaamaya guud ahaanba ardayda jaamacadda maalinta bari ah ee ku astaysan 01/02/2021.

Ardaydan ayaa qayb ka ah, ardaydii Wasaaradda waxbarashadu ku qortay dhammaan jaamacadaha dalka kuwaasi oo ah ardayda aan awoodin inay iska bixiyaan kharashka jaamadadaha kuwaasi oo ka kala yimid gollada kala duwan ee dal wakhtiganna ku sugan Magaaladda Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker