Madaxwayne Farmaajo Oo Xukuumadda Faray Kor-U-Qaadidda Tayada Caafimaad Ee Xarumaha Karantiilka Xanuunka Covid-19

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kaga qeyb galay dhanka Internetka kulanka Guddiga Qaran ee Xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa ka xog-wareystay dadaallada lagu xakameynayo cudurkan, caqabadaha iyo baahida caafimaad ee ka jira dalka.

Guddiga ayaa u soo bandhigay Madaxweynaha xog ururin ay ka diyaariyeen goobaha karantiilka caafimaad, taas oo ay ka muuqatay in ay jirto baahi xooggan oo la xiriirta qalabka caafimaad, gaar ahaan neefsiiyaha bukaannada, waxa uuna Madaxweynuhu faray Xukuumadda in ay si deg-deg ah uga howl gasho keenista qalabkan.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker