TUUGTII KOMISHINKA EE CEEBTOODA BANAANKA LA KEENAY OO WELI DOONAYA INAY SHACABKA AY CODKOODII KHIYAAMEEN HORJOOGAAN BOOB DANBENA KA QAYB QAATAAN

Waxaan website yada ka arkaayay oo qoraalkan igu qasbay wiilkii dhalin yarada ahaa ee weriyaa ahaa cabddirazak terra oo la leeyahay xukuumadaa raadinaysa haba raadisee hada dhacday oo ceebtoodii adduunka wada gaadh ee xukuumadan wax dhacday diyaar maw tahay in ay dadka midayso doorashadaa ay dhaceen kala irdhaysay diyaarse maw tahay in jananada lagu dalacsiiyey ee fadal iyo taani waa millateriga iyo booliskee ay ka erido shaqada diyaarse maw tahay in muuse kimishinka kala diro iyo weliba inuu shacabka khudbad sannadeed u jeediyo uu cafis ku waydiisanayo hadii intaa aanu samayn walaan dibna doorasho danbe waddanka uga dhacayn dagaalo waddanka sabab u noqda kala tagiisana way kadhici doonaan warkaa halayga qoro.
 
Dulmigii la falaa ee hadana feerma lagu jiido,
Naxligii la huurshaa qarxi goor aanad filanaynin,
Kolkaasey awooddii hufneyd kala furmeysaaye,
Xaquna intuu sii fido abdirazak terra wadayaaye,
Fareejiyo nal aan kuugu shidiyo foori iyo baaq dheh,,
Farsamada xigtii kuu hadhaan kuu fandhaal dariye

 
Faqla orodka faataa dhugtiyo fiira li qowl ah,
Komishinka fagaara la yimi faanka iyo tookha,
Faq faqdiisu waa badatiye maa lakala caydhsho,
Falka naxiisa baan sugi iyo faashil iyo ceebe,
Ha soo fuulo geenyada ragbaa fooruhuu wadiye.
 
Muuse waa u ceeb iyo khasaare hadii uu xidho weriye shaqadiisa qabsaday soona ban dhigay ceebtii xatooyadii dilkii boolisku shacabka kula kaceen in uu xidho waayo wax istaagaya maaha aduunkuna sidii hore maaha ee waa technology soconaya manta maaha xiligii BBC du u ahayd war adduunka dhan hada maqal iyo muuqaal iyo sawiro ayaa layska qaadayaa weriyahaa isku taxalujiyey inuu ceebtaa soo ban dhigo waa mahadsan yahay waayo waxay daawo u noqonaysaa jiilalka danbe iyo in waddanka ninba wixii alle uga calfo ka qaado balse aan lays boobin kii wax boobana aan la cafiyin ee ceebtiisa banaanka la keeno Su’aal hadii muuse la dhici lahaa manta ma yeeli lahaa waa maya ?.
 
Balse ha ogaado in rag kaga haboonaa oo adduunka la macmiila ixitiraamna ku leh waddankana heer gaadhsiin lahaa uu kursigii ka boobay kana maroorsaday ragga u shaqeeyey in uu maroorsado oo ka mid ahaa xukuumadii siilaanyo ee boobka xun ka gaysatay dhulka ayaa ka mid ahaa iyo komishinkaa la dhaariyey
 
1) Komishinka beenaalayaal illaahay ka xadhig furtay
2) Taliyaha ciidanka Booliska dhuuni qaate fadal
3) Taliyaha ciidanka Millateriga Qabyaaladiiste Taani
 
Inataa hadaan la bedelin oo aanu weliba kornayl muuse dadka la hadlin oo u caqli celin wixii dhacay dhacee caano daadatay dabadood la qabaye waddanku khatar ayuu ku sugan yahay waana la lumayaa hogaanka dalka waayo addunkana xidhiidh lama laha Ethoipia iyo Jabuuti meel aan ahayn ma gaadhi karo waa siduu addunka uga oodan yahay
fidma walaha soo fooganee faasaq iyo tuuga, (Komishinka)
Fasaad iyo waxaa loo igmaday boobka cododkiiye,
Fariidkiyo fogaan aragiyo weliba foolaadka,
Fahma qabaha waa diidayaa faalla bixiyaaye,
Fara gelin shisheeyuhu waday iyo talo carbeediiye,
Maantana way kugu foorortaa muusow taladiiye,
Adaa doontaye u tali dadkiyo dalkii waa bes labadiiye,
Shaahii baa la goyn waayey burco waana filanaynay,
Markaasaad shaqaalena ku bixina wiil yar xadhigii,
Waxaan ku soo gunaanadayaa waddanka waa la wada leeyahay dadkii iska dhaadhiciyey Jeegaan baa wax dooratay waataa wixii aanu ka hadlaynay ee lahayn jeegaani dad kama badna ee is dejiya Qoraxdu hortooda timid hadaba muusow xaday waana cadaane ama waddanka si uGu dhaan oo daba qabatee ilayn hada kursiga waad ku fadhidaa cidi kuguma haysatee waa xaal ragg ahadaad tidhaa waar wixii dhacay dhacee wax ila qabta laakiin madax adayg iyo weliba xadhig baan wadayaa caqliga ma geleyso wax sii xumaada mooyee waxna ma hagaagayaan kimishinka iyo labada janana ka eri meesha hadii kale walaan waxba kuu soconayn waa iga tallo ee halayga gunto mar labaad hadalkaa.
Abdi Ali Obsiye
jmladam413@gmail.com
 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker