Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay Inay Beesha Caalamka U Gudbisay Dacwad & Farriinta ay Xambaarsan Tahay

Dawladda Somaliland ayaa ka jawaabtay shalay hadal ka soo yeedhay xukuumadda Farmaajo ee Soomaaliya taasi oo ku dooday  in ay suurtogal noqon karto in labada madaxweyne ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya  ay u kala socdaali karaan magaalo madaxyada Hargeysa iyo Muqdisho sida inta badan ka dhacday dalalka mandaqada ku yaalla ee ay hore xurgufuhu u kala dhexyaalleen kuwaas oo haatan wada hadallo ka yeeshay khilaafaadkoodii isla markaana booqashooyin is weydaarsaday.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland Sacad Cali Shire oo arrintan wax laga weydiiyey shalay ayaa sheegay in dawladaha gobolka ku yaalla ee haatan xalka ka gaadhay murannadii dhex yaallay ay ka xaallad duwan yihiin arrimaha ay isku hayaan Somaliland iyo Soomaaliya ‘waa run oo ay wey jiraan in dalal geeska ku yaallay ookhilaaf ka dhexeeyey ay xal ka gaadheen wixii ay isku hayeen laakiin innagu [Somaliland] halkaa islamaynu gaadhin Soomaaliya”. Sidaas ayuu yidhi Dr. Sacad Cali Shire wasiirka wasaaradda arrimaha dibeda Somaliland oo shalay xafiiskiisa waraysi ku siiyey Weriye Maxamed Xasan Daacad oo telefishanka SAAB ka tirsan, waxana uu intaa ku ladhay wasiirku “wadamadani waa wadamo is aqoonsan laakiin innagu halkaa ma joogno oo marka aynu innaga iyo Soomaaliya is aqoonsanno ayay imanaysaa in ay socdaallo is dhaafsadaan madaxda labada dal”. Ayuu yidhi wasiirka khaarijigu.

 

Geesta kale mar wax laga weydiiyey sababaha hortaagan in madaxweynaha Somaliland iyo Raysal-wasaaraha dalka Itoobiya kulan yeeshaan, waxaa uu yidhi wasiirku “Cilaaqaadka innaga iyo Dalka Itoobiya kuma xidhna in ay labada hoggaamiye is arkaan laakiin cilaaqaadku intaa wuu ka ballaadhan yahay, cilaaqaad ganacsi baynu leennahay, mid iskaashi baynu leennahay, mid siyaasadeed baynu leennahay, waxaas oodhan shaqadoodii sidii ay awalba u socon jireen bay u socdaan immika, arrinka is araga Raysal wasaaraha iyo madaxweynuhuna waqti uun buu ku siman yahay, Reysal-wasaaraha Itoobiyana mar qudha muu wada arkin madaxda gobolka ee midba mar buu arkay innaga insha allah mar buu ina arki doonaa dhawaan”. Ayuu wasiir Sacad yidhi.

 

Dhinaca kale waxaa uu wasiir Sacad sheegay inay beesha caalamka u gudbiyeen dacwad ka dhan ah imaatinka madaxweynaha maamulgoboleedka Soomaaliyeed ee Puntland socdaalka ku yimi qaybo kamid ah dhulka Somaliland “Annagu mar kalena waanu cambaaraynaynaa socdaalka uu Cabdiweli ku yimi Badhan ee uu xadkeenii kaga soo tallaabay, arrinkaasi oo aanu u aragno daandaansi iyo badheedh waxaana ka dhalan kara uun dagaal, Jamhuuriyadda Somalilandna xaq bay u leedahay inay xuduudaheeda iyo dadkeedaba difaacdo…….Annaguna codsi ama cabasho ayaanu u gudbinay beesha caalamka ku saabsan arrintaasi, waxaana aanu rajaynaynaa in caalamku uu saaro culays arrintaasi inaanay mar dambe dhicin waayo socdaalkiisi hore ee uu Badhan ku yimi ayaa keenay isku dhacii Tukaraq, kan immikuna  isku dhac kale ayuu keeni doonaa una malayn maayo in Caalamku taas diyaar u yahay”. Sidaas ayuuyidhi Wasiirku.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker