Qaxootogii Turkigu Oodda Ka Qaaday Ee Soomaalidu Ku Jirtay Oo Qaarkood Sun Lagu Buufiyay

Istanbul (OWN)- Dadkii Qaxootiga ahaa ee uu shalay Turkigu oodda ka qaaday oo  mar kali ah ku fatahay dhinacaa iyo Waddanka Giriigga ayaa la soo sheegayaa in ay xaalad adag la kulmeen kadib markii ay dadka shacabka ah iyo dawladda Giriiggu labaduba ay si adag ula dhaqmeen kumannaan kun oo qof oo Qaxooti ah oo Soomaali ku jirto kuwaasi oo ka soo gudbay dhinaca Guriigga.

 

Wararkii ugu dambeeyey ee aannu ka helayno Qaxootigaasi ayaa la sheegey in qaarkood sun qaac ah oo dadka dhibaysa wajiyada lagaga buufiyay si ay dib ugu noqdaan xuduudda Turkiga.

 

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in kumannaan muhaajiriin ah ay durba ka gudbeen xadka dalkaas, iyagoo usii gudbay qaar ka mid ah dalalka Yurub, Arrintan ayaa ka damebysay kaddib markii dhowaan uu Tukrigu xadkiisa albaabbada u furay.

 

Qoxootigan waxaa ka mid ah Somaali halkaasi dano kala duwan u joogay, waxay qayb ka yihiin qoxootigan ku qulqulaya xadka xidhan ee Greega.

 

Qaar ka mid ah dadka ku go’doonsan xadka u dhexeeya labada dal oo Soomaali ah oo nala hadlay ayaa sheegay inay aad u walaacsan yihiin oo xaaladdoodu aysan wanaagsanayn, iyaga oo la kulmay tacaddi farabadan.

 

Cabdikaafi Maxamed Cali oo ka yimi muqdisho ayaa isna sheegay, in taladii la siiyey uu qaatay oo uu doonayo inuu isagu dib isaga laabto oo uu ka rejo dhigay xaaladda hadda uu arkay.

 

Madaxweyanaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayey u muuqata inuu ka dhamaaday dulqaadkii u hayay qulqulka muhajiriinta ka dib markii 33 askari looga dilay duqayn ka dhacday magaalada Idlib oo ku taalla waqoyiga dalka Suuriya.

 

Hooyo qoxooti Ah oo xanbaarsan ilme yar oo ay dhashay

 

 

Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uusan xamili karin muhajiriinta cusub ee dalkiisa kusoo qulqulaya, wuxuuna intaasi raaciyay in midowga yurub ay uga baxeen ballamadi ay dalkiisa la galeen sannadki 2016-kii.

 

 

Madaxweyanaha ayaa sheegay in 18kun oo muhaajiriin ah ay ka tallaabeen xuduudaha u Turkiga la wadaago wadamada Yurub kadib markii albaabada loo furay muhaajirinta si ay xadka uga talaabaan.

 

 

Giriigga ayaa sheegay in ay albaabada ka xidheen muhajirinta sida sharci darada ah uga soo talaabada xadka Turkiga iyada oo qaarkood la sheegay in sun wajigaga lagaga buufiyay oo dad cadhaysan oo Giriig ahi ku buufiyeen.

 

 

Ciidamada ayaana dadka ku kala eryaaya suntan dadka ka ilimeysiisa. Wasirka difaca dalkaasina wuxu sheegay in dalkiisa usan aqbaleynin muhajirin cusub.

 

 

Turkiga ayaa hoy u ah muhaajirin gaareysa 3.7 milyan oo badankood ka kala yimid Suuriya iyo Afghanistan.

 

Mr Edrogan wuxuu waddamada reer galbeedka ku eedeeyey ballamihi ay horay u qaadeen ee ku saabsanaa qoxootiga iney jabiyeen.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker