Aqoonyahan Suuqa Yaalla

Waxa innagu soo badanay dadka aqoontii ku ciyaaraya, iyaga oo aan weli gaadhin xilli bisayl iyo aqooni ay ka muuqato qofkii isku sharraxayo ama iskuba cumaamadayo magaca ‘‘Aqoonyahan.” Aqooneey xaal qaado! Hadda isaga kalidii ayaa isku aqoonsaday, isaga ayaa beegaal isku noqdey, isaga ayaa inta uu meel madaw galay isku qanciyey in uu aqoonyahan yahay! Wakaa hoogeydee!
Bal wuxuu ka dheefuu leeyahay! Cid isku waafaqday in uu qofkaasi ‘aqoonyahan’ yahay ha sheegin, mana jirto jaamacadda qalinka ugu duugtey in uu yahay aqoonyahan! Xaashaa bay ka tahay!
Uma jeedo annuu in aanu qofkii horta isagu is ictiraafin, balse, waxa aan u jeedaa in aannu qofku is lugoynin. Is ictiraafidda naftu beegaal ama minqiyaas uma noqoto aqoonta qofka, laakiin, waxa ay beegaal u noqotaa oo ay noolaysaa rejada qofka ee mustaqbal iyo in uuna isku qaadan in uu yahay qof liita’e ha isku qaato qof wax qabsan kara, qayrkiina la jaanqaadi kara, halkey gaadhaan iyo meel ka fik sarraysana gaadhi karaa—waataa ictiraafka naftu.
Haddaba waxaa jira waxyaabo aannay ahayn in la isku qaldo. Ictiraafka marka uu qofku faruuro wakaa isku soo taagaya in uu galo wuxuuna kasoo dhaalalayn? Oo maxaya? Dee wuxuu qaadanayaa magac gun weyn oo aan loo baahnayn, kaaga daranta waddadeedii ma hayaabaa ka hooreysa? Xaashaa. Maqaaxibuu fadhiistay maahee wax kale ma qabto. Haye. Hore miyuu isku caddibay (wax miyuu soo bartay? Ha sheegin waligii lagama yaabo in uu labo gu’ oo isku xigta wax baranayay—haddana wakaa magacaa qaatay.
Aqoontu waxa ay leedahay beegaal ama minqiyaas (wax lagu garto). Qof waligii aan buug iyo qalin isdul dhigin mala odhan karaa aqoonyahan?! Adaan kuu dhaaafayaa jawaabta, akhriste.
Waxa aan cisho dhaweyd la kulmey nin da’ ahaan weyn, dadaal ahaanse madhan. Wuxuu ii sheegey in uuna waligii meel wax lagu baranayo xaadirin, buug iyo qalina uuna is-dul-dhigin haddana loo yaqaan “Aqoonyahan hebel”. Wataa la jabay! Waxa ku ciyaarayaa waa dadka ugu yeedhaya magacaa la kufsadey, isaguna ciyaar aan toodaa ka yarayn ayuu dheelayaa!
Sheygu markuu qiimo beelayo wuu soo kharraabaa, cid aan u aabo yeelaynna gacanta ayuu u gala. Taas waxaa la mid ah odhaahdan ‘‘ Aqoonyahan”─ ee xiitaa mararka qaar saaqidka loogu yeedho iyo mid kasta oo adduunku ka soo xidhmay. Ma aragtay weli beer la qodayo? Haddii aad aragtey ma meel geedo buuxaan ayaa la qodaa mise meel bannaan oo hagaajinteedu sannado qaadadatey? Aan kuu sharraxee ila soco akhriste: marka la doonayo in beer la sameeyo; kooda horaba waxaa la raadsadaa meel la hagaajiyo oo si fiican loo qarda jeexo, geedana haku yaallaan bee. Marka koowaad dhirta ayaa laga shidaa oo la gubaa, dhegaxaanta iyo xashiishkana waa laga ururriyaa. Marka laga guro wixii dusha sare yaalla ee indhuhu qabanayaan ayaa waxa la isku dayaa in dhirtii la gubay xididdadoodii dhulka ku hadhay la foqo, wixii ‘gufiya’ ee ku jirtana laga saaro. Marka meesha la banneeyo ayaa la isku dayaa in la rogo. Marka la rogo ayaa saalo adhi ama riyaad lagu shubaa. Marka intaa laga dhergiyo ayaa la isku dayaa in haddana la rogo, mar labaad. Marka la jilciyo…jilciyo.. jilciyo ee la arko in wax laga beeri karo ayaa iniinta iyo shinnida lagu ridaa. Markaasaay bul tidhaa. Waxoogaa markey soo baxdo ayaa la baaqbaaqaa, dabadeed waalla harameeyaa… sidaasaa loo wadaa illaa la goynayo.
Marka waxaas oo daalla iyo tacaba lala soo maro ayaa la dheefsadaa wixii lagu daallay, laguna nastaa, la cunaa, lana iibiyaa. Sidaa si la id ah odhaahdan ‘‘ Aqoonyahan’’, waxa ay u baahantahay daal iyo rafaad dheer, dadaal iyo juhdi dheeraada, waqti badan iyo daraasayn xooggan, takhasusaad iyo cilmi baadhsiyo badan. Balse uma baahna af kaliya oo qofka loogu giijiyo. Odhaahda ciyaarta halaga daayo.
Waxa aan ku talin lahaa waxa weeyi waar hooy yaan aqoonta iyo aqoonyahankaba laga sinaysan—inta ciddii u ehelka ahayd la yaso yaan cid aan weli uba diyaar aheyn la saarin! Yaaney aqoontu tol waayin oo qof kastiba aannu innoola iman wax uuna u dhibtoon, waa in shakhsiyaad qabtaan dadka tuuugnimada ku haya ‘‘ Aqoonyahanka’’.
WQ: Cabdirisaaq Sandheere

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker