Kenya oo doonaysa inay qaadkeeda u iibgeyso Israa’iil

Beeraleyda qaadka ama Miraa ee kenya ayaa suuq cusub oo qaadka ay geeyaan ka helay bariga dhexe ka dib markii ay waayeen mid ka mid ah labadii suuq ee ugu weynaa baayac cmushtarkooda.

Ganacsatada qaadka ayaa bilaayiin Shilin ka heli jiray UK iyo Soomaaliya oo ahaa labadii suuq ee ugu weynaa. UK ayaa dalkeeda ka joojisay qaadka iyadoo ku dartay 2014-kii in uu ka mid yahay maandooriyayaasha, halka Soomaaliyana ay xayiraad saartay inkastoo hadda la qaaday.

Beeraleyda, ganacsatada iyo hoggaamiyayaasha Meru ayaa hadda si weyn u raadinaya suuqyo hor leh ka dib markii ay sheegeen in ay casharo ka barteen markii ay joojisay Soomaaliya oo ay si weyn ugu tiirsanaayeen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker