Duufaanta ku soo fool leh Taiwan oo qasabtay in kumannaan qof guryahooda laga saaro

Duulimaadyada gudaha ayaa la baajiyay, iyadoo ku dhawaad sedex kun oo qof laga saaray guryahooda xili la filayo in dalkaas ay ku dhufato maanta oo Axada duufaanta Haikui oo wadata roobbab mahiigaana iyo dabeylo xoog leh jasiiradaha Koonfurta iyo kuwa Bariga.

Duufaanka Haikui ayaa la filayaa inay sidoo kale keento dhul go’ ka dhaca dhulka buuralayda ah iyo dhulka dadka badan ay ku nool yihiin ee Koonfur Bari ee dalkaasi, galinka dambe ee maanta.

Iskuullada magaalooyinka iyo Gobollada ku yaala koonfurta iyo Bariga wadankaasi ayaa la xiray, waxana la fasaxay shaqaalaha.

Madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen ayaa sheegtay in duufaantan ay noqonayso tii ugu horreysay ee keenta dhul go’ muddo afar sano ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker