Diyaaradda Ethiopian Airlines Oo Maanta Timid Madaarka Hargeysa

Diyaaradda Ethiopian Airlines ayaa maanta duulimaad ku tagtay magaalada Hargeysa, saddex maalin kaddib markii ay dhaqan gashay amarkii dowladda Soomaaliya ku joojisay duulimaadyada caalamiga ah, si looga hortago cudurka Coronavirus.

Wariyeyaal ku sugan Hargeysa ayaa soo sheegaya in diyaaradda Ethiopian Airlines oo ka soo duushay Addis Ababa ay goor dhoweyd ka soo degtay garoonka diyaaradaha Cigaal International Air Port, khamiistii ayay aheyd markii diyaaradda FlyDubai oo rakaab siday, kana soo duushay Dubai ayaa markii ay hawada Soomaaliya soo gashay lagu amray inay dib u laabato oo aanay ka degi karin Hargeysa, kaddib markii qalabka isgaarsiinta ay kala hadashay Hey’adda Saadaasha Hawada.

 

Dhinaca kale Wasaaradda Gaadiidka iyo Duuliska Hawada Soomaaliya  ayaa qoraal goor dhoweyd ka soo baxay ku sheegtay in muddo labo cisho la fasaxay duulimaadyada caalamiga, si muwaadiniinta ku xaniban caalamka loo soo qaado, labo cisho kaddib la joojiyo duulimaadyada, in duulimaad aan aheyn xamuul sida raashin iyo daawo aanay dalka ka soo degi karin mudada 15-ka cisho.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ku fasaxday duulimaadyada labo cisho:-

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker