Reer galbeedka Oo Aan Ku Qancin Sharaxaada Sacuudiga Ee Dilka Khashoggi

Hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo dowladaha midowga Yurub ayaa shaki ka muujiyay bayaankii ka soo baxay Sacuudiga ee ku saabsanaa geerida Jamal Khashoggi.

 

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa sheegtay in xukuumadda Riyadh ay isku dayayso in ay iska nadiifiso khaarajinta iyada oo ku andacoonaysa in uu ku dhintay dagaal iyo gacan qaad ka dhacay gudaha qunsuliyada Istanbul.

 

Dowladda Faransiiska ayaa dhankeeda sheegtay in ay jiraan su’aalo badan oo aan wali laga jawaabin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Jean-Yves Le Drian, ayaa dalbadan in al sameeyo baaritaan buuxa.

Hogaamiyaha Jarmalka Angela Merkel, ayaa dhankeeda sheegtay in bayaanka Sacuudiga uu yahay mid aan dhamaystirnayn oo looga baahan yahay in dilka saxafiga ay faafaahin ka bixiyaan.

 

Balse qaar ka mid ah dowladaha Carabta ee saaxibada dhaw la ah boqortooyada Sacuudiga ayaa war ays oo saareen waxa ay taageero ugu muujiyeen dowladda Sacuudiga.

Dhanka kale saraakiisha Turkiga ayaa waxay wacad ku mareen in ay soo bandhigi doonaan faafaahinta ku saabsan dilka weriye Jamal Khashoggi, kadib markii Sacuudiga uu markii ugu horeeysay aqbaly in Jamal lagu dilay gudaha qunsuliyadda Sacudiga uu ku leeyhay magaalada Istanbul.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker