Nin Mindi Ku Hubeysnaa Oo Weerar Ku Qaaday Qunsuliyada Faransiiska Ee Magaalada Jeddah

Nin mindi ku hubeysan ayaa weeraray qunsuliyadda Faransiisku ku leeyahay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga isagoo halkaas ku dhaawacay mid ka mid ah ilaalada xarunta.

 

Safaaradda Faransiiska oo ku taalla Riyad waxay si adag u cambaareysay weerarka, waxayna muwaadiniinteeda Sacuudiga ku sugan u sheegtay in ay si wayn u feejignaadaan.

Safaaradda ayaa intaas ku dartay in qofka weerarka soo qaaday ay qabteen ciidamada amniga ee Sacuudiga, isla markii uu weerarka bilowday, iyadoo intaas ku dartay in Waardiyaha dhaawacmay loo qaaday isbitaal.

 

Faransiiska ayaa wajahayaa cadho xoog leh oo ka dhalatay sawir-gacmeed laga sameeyay Nabi Maxamed NNKH.

Dhacdadan waxay imaaneysaa xilli maanta weerar kale oo toorrey loo adeegsaday lagu qaaday kaniisad ku taalla magaalada Nice ee dalka Faransiiska, halkaasoo lagu dilay seddax qof, dhowr kalena lagu dhaawacay.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker