Xiisad adag oo ka dhextaagan Wadamada Kosovo iyo Serbia + Qaramada Midoobay oo ka digtay

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey ee dalka Kosovo ayaa sheegay in xaaladda gobolka aysan “cago adag ku taagnayn” sababtoo ah buu yiri Xiisadda u dhaxeysa dalalka Serbia iyo Kosovo.

Warbixin uu u soo bandhigay Qaramada Midoobay ayuu Zahir Tanin ka digay xiisadda labada dal u dhaxeysa.

Warbixintan ayaa soo baxaysa iyada oo la xusayo 20 sano guuradii ka soo wareegtay markii ciidamadii Yugoslav ay ka baxeen Kosovo.

Balse ergayga Qaramada Midoobey ee Kosovo Zahir Tanin ayaa ka digaya in xilligani uusan ahayn waqti la dabaaldago.

Waxuu sheegay in haddii labada dhinac aysan si dhab ah uga wadahadlin xaladda “ay meeshii hore ku laaban doonto “.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Kosovo Zahir Tanin ayaa warbixintiisa waxay farta ku fiiqaysaa go’aanka Kosovo ay canshuur boqolkiiba boqol ah ugu soo rogtay badeecooyiinka laga keeno Serbia.

Tanina ayaa ka digay in xiisadda labada dhinac ay tahay mid culus oo loo baahan yahay in la dajiyo.

Ergayga Qaramada Midoobey ee Kosovo Zahir Tanin ayaa dhanka kale cambaareeyay xadhigga loo gaystay shaqaale ka tirsan Qaramada Midobey.

Waxa uu sheegay “in awood xad dhaaf ah loo isticmaalay ” markii ay booliiska Kosovo xidhayeen shaqaalahaasi.

Mr Tanin ayaa Belgrade iyo Pristina ugu baaqay inay ka wada shaqeeyaan sidii xidhiiddhka looga dhigi lahaa mid caadi ah “loona heli lahaa xasilooni waarta ” oo gobolka lagu soo dabaalo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker