Roobab Iyo fatahaado Sababay Dhimashada 11-ruux Wadanka Jordan.

Jordan-(OWM)-Roobab mahiigaan ah iyo fatahaado culus oo ka dhacay dalka Jordon ayaa sababay dhimashada 11-ruux,waxaana magaalada qadiimiga ah ee Petra laga daabulay ama u laga kexeeyay 3-kun iyo 7-boqol oo dalxiisayaal ah .

Kooxaha wax badbaadiya iyo diyaaradaha herikobtarka ayaa raadinaya gaadhi ay la socdeen shan ruux oo la tilmaamay in ay qaadeen ama la tageen fatahaad ka dhacday magaalada Madaba oo dhacda Koonfur galbeed meel kaga began caasimadda.

Dowladda Jordan ayaa waqti hore sheegtay dhimashada Sagaalka Qof oo ay ku jiraan caruur yar yar ,iyadoo roobabka iyo fatahaadda biyaha ay gaaadheen joog dhan 4-mitir,isla markaana ay jareen isu socodkii wadada u dhexeysa caasimadda iyo koonfurta.

Roobab kale ayaa maanta oo Sabti ah laga cabsi qabaa in ay ka da’aan gudaha dalka Jordon,iyadoo dadka lagu amray in ay joogaan guryahooda iyo deegaanada badqabka ah.

Dalka Jordan ayaa la daalaa dhacaya todobaadyo roobab ah ,waxaana bishii hore ay daadad la tageen 21 qof oo ay ku jireen caruur dugsileey ah,taas oo dhalisay in ay iscasilaan Wasiirada Dalxiiska iyo Waxbarashada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker