Dawlada Turkiga oo Iskuul Casriya oo dhanka Xirfadaha ah ka Dhistay Dalka Rwanda

Wakiilka Dawlada Turiga U Qaabilsan Wadamda  iyo badhtamaha Bariga AFRICA  ayaa Sheegay in Dawladisu ay Caasimada Dalka Rwanda ee Kigali ka Yagleeli Doonto Iskuul lagu Barto Xirfadaha .

 

Waxaanu Isla Gaadhnay Madaxda  Dawlada Rwanda Heshiis is Afgarad.sidaas waxaa waraysi lala yeeshay ku Shaaciyay  Wakiilka Turkiga  ee Wadamda africa  Burcu Cevik

 

 

.

Mss Cevik Ayaa sheegay inay Go,aansadeen inay Kigaali ka dhisaan Iskuul dhanka Farsamda Xirfadaha ah ka dib markay Arkeen inay jirto Baahi wayn oo ay U qabaan dhalinyarada Wadankaasi si ay u Sameeyaan Shaqooyin ay ku dabaraan Nafahooda.

 

Waxaanay intaa Raacisay mss Cevik in Dalka Rwanda uu lee yahay dhalinyaro  Balaadhan oo U baahan in la Baro Xirfado si Loo horu mariyo Waxsoo saarka dhanka Dadka wadankaasi.

 

Tirakoobkii ugu Dambeeyay ee dalkaasi Rwanda ayaa ahaa kii la Qaaday Sannadkii 2012 Markaas oo lagu ogaaday in Tirada Dadka Wadankaasi ay Gaadhayso 10.5 Million oo  Isla markaana dhanyarada Da,doodu U dhaxayso 14  ilaa 35 ayaa Dadka wadankaa ka Noqonaya 4.2 Million.

 

Dalka Turkiga yaa ah mid Aalaaba ka Horu marsan dhanka Xirfada Waxaanuu Turkigu ka dhisay wadamada ay Saaxiibada Yihiin Iskuulo badan oo dhanka Xirfadaha ah , waana Halbeega wadanka Turkiga isagoo ka Duulaya dhanka Ganacsiga.

 

 

 

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker