Al-shabaab Oo Ku Baaqday Dagaal Cusub Oo Ka Dhan Ah Kooxda Daacish

Kooxda Al-shabaab ayaa ku dhawaaqday dagaal cusub oo ka dhan ah kooxda Daacish ee ku sugan Buuraha Galgala ee gobolka Bari iyo magaalooyin ka mid ah Somalia oo ay ku jirto Muqdisho.

 

Al-shabaab ayaa sheegtay inay kooxdan dhibaato weyn ku tahay midnmada kooxdooda, isla markanaa ay caqabad ku tahay jihaadka ay Soomaaliya ka wadaan, ayna doonayso inay kala qaybiso Al-shabaab.

 

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo bayaanka kasoo baxay Kooxda akhriyay ayaa sheegay in kooxda Daacish ee Somalia uu ka shaqeynayo sidii Tafaraaruq looga dhex abuuri lahaa Al-Shabaab.

“Ururka Daacish waxay baneysteen dhiiga Muslimiinta, waxayna sidoo kale gaaleysiiyaan dad muslimiinka ah, gaar ahaanna kooxdiisa iyo kala jebinta muslimiinta,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

 

Sidoo kale, afhayeenka Al-shabaab wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish, isagoo sheegay inay kula dagaalamayaan Somalia oo dhan, tan iyo inta ay ka suulinayaan Somalia oo dhan.

 

“Hoggaanka sare ee Al-shabaab wuxuu ku amrayaa dhammaan ciidamada ururka iyo wilaayaadka Islaamiga ah inay si adag kaga hor-tagaan kooxda Daacish,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo ku tilmaamay kooxdaan cudur dilaa ah oo halis ku ah Soomaaliya.

 

Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaa ku daray.”Annagu [Al-shabaab] wax badan ayaan indhaha ka laabanay dhibaatada ay kooxdani waday, wax badanna waan u sabarnay marka laga reebo dhacdooyin kooban oo aan dulmigooda isaga leexinaynay annagoo rajo ka qabnay inay dib u xisaabtamaan kana soo laabtaan waddada baadida ah ee ay kusii socdaan, laakiin sabarkeenna waxay ka sii qaadeen madax adeyg, colaad iyo inay dulmigii ay wadeen ku sii talax-tagaan,”

 

Dhanka kale, Hadalka Al-shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo Dowladda Somalia ay ku dhawaaqday in dagaalyahanno ka tirsan Kooxda Daacish ay soo galeen magaalooyin ka tirsan Somalia, iyagoo ku baaqay inay dagaal la galayaan kooxdan.

 

Ugu dambeyn, Kooxda Daacish ayaa waxay saldhigyo ku leedahay Buuraha Galgala ee gobolka Bari ee Puntland, iyagoo sidoo kale ka dagaalama qaybo ka mid ah Somalia oo ay ka mid tahay Magaalada Muqdisho.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker