Dagaal Ba,an oo U dhexeeya Laba Beelood oo ka Qarxay Gobolka Sanaag

Hargeysa ( OWN) – Warar laga helayo gobolka Sanaag ayaa sheegaya in saaka Dagaal Qadhaadh  oo u dhexeeya Laba   beeleed uu ka qarxay gobolkaasi.

 

 

Dagaalka oo ah mid culus ayaa haatan ka socda deegaanka Waqdariye oo ka Tirsan Gobolka Sanaag, iyadoona la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Ilo deegaanka ah ayaa Oodwaynemedia U sheegay in dagaalkan uu salka ku hayo Arrimo la Xidhiidha dhul-daaqsameed  ay isku qabteen maleeshiyaadka diriraya oo kasoo kala jeeda labadan Beelood.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in dagaalkaasi lagu gubay Masjid, Guryo ay deganaayeen dad shacab ah iyo goobo kale, kadib markii    Dab la qabad-siiyey .Sidoo kale  wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac-ba leh, balse aan la xaqiijin karin inta uu la’egyahay.

 

 

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sanaag iyo Madaxda Beelahan ku diriraya.

 

 

Gobollada Sool iyo Sanaag oo dhaca waqooyiga Somaliland  ayaa waxaa inta badan ku soo laab laabta dagaallo u dhexeeya beelaha wada dega deegaanada gobolladaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker