Doonyaha Tahriibayaasha Qaada Oo Kusoo Xidhtay Xeebta Magaalada Maydh Iyo Waddadii Tahriibayaasha Oo Noqotay Xeebaha Somaliland.

 

Ceerigaabo(OWN) Labo kamid ah Laashashka Tahriibayaasha qaada ayaa maalintii shalayto 10th June 2018 waxay kusoo xidhteen xeebta magaalada Maydh ee woqooyiga gobolka Sanaag.

 

Laashashkan ayaa kolkii ay halkaas soo gaadheen waxa inay qabtaan isku deyey ciidanka ilaalada xeebaha oo ka war helay haseyeeshee ciidanku kuma guulaysan inay laashashkaas qabtaan, waxayse ciidanku gacanta kusoo dhigeen rag laashashkaas u tegey oo loo filayo inay xidhiddh la lahaayeen laashashkaas iyo baabuur ay wateen iyo weliba mishiin nooca laashashka dheereeya kusocdaan oo sida lasheegayna laashashkaas ay kalasoo degeen.

 

“Waxay ahaayeen laba laash oo kuwii tahriibayaasha qaadi jirey ah oo shalayto xeebta Maydh kusoo xidhtay markii la ogaadey oo ciidanka ilaalada xeebuhu damceen inay soo qabtaanna way carareen waxase ciidanku soo qabteen laba nin iyo gaadhi ay wateen oo laashashkaas u tegey iyo weliba mishiin 75 khayl ah oo ay kalasoo degeen, markaa raggaas iyo gaadhigii ay wateen boliiska Ceerigaabo ayaa loosoo gudbiyey mishiinkiina waxa la dhigay taliska ciidanka ilaalada xeebaha ee Maydh”. Sidaas waxa yidhi Maayarka Degmada Maydh Xuseen C/raxmaan Sh. Siciid oo aannu khadka telefoonka kula xidhiidhnay. Wuxuna maayarku intaas kusii daray “Waxan filayaa colaadda jirta awgeed in qorshihii tahriibayaasha markii waddadii ay mari jireen ka xidhantay xaggeenna waddo ay maraan looga raadinayo”.

 

 

Oodweynenews.com/Ceerigaabo

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker