Biriijka Lugta Ceel-Gooni Oo Dumay & Dawlada Hoose Ee Burco Oo Ku Fashilantay

Burco(OWN)- Tirada Dadka ku dhimanaya Magaalada Burco ayaa korodhay Toddobaadyadii u dambeeyay, taasina waxay abuurtay shaki ah inuu Magaalada ku faafay Cudurka Covid_19.

 

Saleebaan Axmed oo ah Ninka diwaangeliya Dadka Geeriyooda ee Xabaalaha Burco lagu aaso oo ka  hadlay  ayaa sheegay inay dhowrkii Maalmood ee u dambeeyay heleen dareenka ah in Dadka dhimanayaa kordheen “Intii aanu meesha joognay saddex Cisho ayaanu dareen helnay, kuwaasi oo ah Maalina Afar, Maalina Lix, Maalina Shan Qof, wakhtigii hore waxay Dadka dhintaa Hal ama laba.” ayuu yidhi.

 

Xoghayaha Fulinta Dawladda Hoose ee Magaalada Burco oo isaguna  sheegay in la soo gaadhiiyey Qaylo-dhaanta Xabaalaha Burco ee ah in Dadka dhimanayaa bateen.

Shakiga ah waxa keenay Dadka badan ee dhimanaya ayaa waxa sabab ah Xanuunka dunida aadka ugu faafaya ee Covid_19, kaasi oo dabcan hore loogu sheegay Magaalada Burco.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker