Dawladda Soomaaliya Oo 348 Soomaali Ah Kasoo Badbaadisay Gudaha dalka Ukraine

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay  348 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa gudaha dalka Ukraine iyo soohdintiisa oo qaarkood caddaymo la’aan ahaa la soo badbaadiyay.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Wasaaraddu fududeysay in 65 arday lagu meeleeyo xarumaha tacliinta sare ee dalka Hungary, kadib markii ay ka diiwaan geliyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya arrimaha ay danaynayeen.

” Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku boorrinaysa ardayda Soomaaliyeed ee iska diiwaan gelisay inay wax ka bartaan dalka Ukrain, isla markaana xiisaynaya inay waxbarashadooda sare ka sii wataan meel ka baxsan dalka Ukraine inay is-diiwaangeliyaan iyagoo buuxinaya foomka hoose.

Dhowr jeer oo hore ayaa dadaalo kala duwan oo la sameeyay waxaa colaada Ukraine laga soo badbaadiyay Soomaali farabadan, kuwaas oo soo dhaweyn ka helay qaar kamid ah dalalka Yurub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker